"Waxa Looga Fadhiyaa Madaxweynaha Inuu Uruuriyo Inta Waxtabanaysa" ... Suldaan C/raxiin Saxardiid

0
Monday November 04, 2019 - 09:09:01 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxa Looga Fadhiyaa Madaxweynaha Inuu Uruuriyo Inta Waxtabanaysa" ... Suldaan C/raxiin Saxardiid

    London (HWN)-Suldaan C/raxiin Saxardiid Kaahin oo kamida madax-dhaqameedka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London (HWN)-Suldaan C/raxiin Saxardiid Kaahin oo kamida madax-dhaqameedka
miisaanka culus ee Somaliland ayaa Madaxweynaha Somaliland usoo-jeediyey in uu uruuriyo inta waxtabanaysa isla markaasina si guud iyo si gaargaar ahba u dhayo nabaradii iyo tabashadii ka dhalay doorashadii madaxweynaha ee uu kursiga ku fuulay.


 

 

Suldaan C/raxiin Saxardiid Kaahin oo ka hadlaayey xaflad kulmisay dhamaan qurbajooga reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska, taasi oo ujeedkeedu ahayd soo dhaweyn loo sameeyey qaar kamida hogaanka xisbiyada siyaasada Somaliland iyo xubno kamida masuuliyiinta sare ee Xukuumada, isla markaasina lagu midaynaayey bulshada ku dhaqan dalkaasi UK ee ku kala qayb-samay xurguftii siyaasadeed ee ka dhalatay doorashada, ayaa sidoo kale waxa uu qurbajooga reer Somaliland ee dalkaasi UK ku booriyey inay u midoobaan danta qaranka isla markaasina ay iska dhaafaan qayb-sanaanta iyo qoqobka qabyaalada qoys qoyska u kala qaybisay.

 

 

Suldaan C/raxiin Saxardiid Kaahin ayaa sidoo kale waxa uu sigaar ah u bogaadiyey Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Md. Maxamed Axmed Tiinbaro oo madasha fadhiyey , isagoo isla markaasina ku bogaadiyey doorkii muhiimka ahaa ee uu kazoo qaatay damintii colaadii gobolka Sanaag oo uu tilmaamay inuu si mugle uga shaqeeyey badhasaabku.

 

 

 

Loading...
Loading...