Tartanka Kubbadda Cagta Kooxaha Gobolka Sool Oo La Soo Gaba gabeeyay + Kooxda Guushu Raacday

0
Monday November 04, 2019 - 08:41:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tartanka Kubbadda Cagta Kooxaha Gobolka Sool Oo La Soo Gaba gabeeyay + Kooxda Guushu Raacday

    Laascaanood (HWN): Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laascaanood (HWN): Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland
ayaa  soo xidhay tartanka ciyaaraha Kubbadda cagta gobolka Sool oo muddo 32 maalmood ah ka socday garoonka Cabdi Bille Cabdi, ee magaaladda Laascaanood.


Tartan ciyaareedkaasi waxaa ka qayb qaatay 16 kooxood oo ka tirsan kooxahaheerka koowaad ee Kubbadda cagta gobolka Sool.



Kaasoo mudadii uu socday si weyn uga qayb qaateen daawashadiisa qaybaha kala duwan ee bulshadda magaaladda Laascaanood gaar ahaana dhalinyaradda.


Waxaana intii koobkaasi uu socday si toosa u baahin jiray oo looga daawanayay TV-ga Horn Cable. Waxaana tartankaasi ku guulaysatay kooxda Star gaashaan.


Tartankaasi waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland, iyadoo ay si weyn uga qayb qaateen maamulka gobolka Sool iyo ka degmadda Laascaanood.


Xidhitaanka ciyaarahaasi waxaa ka qayb galay wasiirka dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed, badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, maayarka Laascaanood, isu-duwaha wasaaradda ciyaaraha ee Sool iyo masuuliyiin kale.


Badhasaabka gobolka Sool, oo hadal ka jeediyay munaasibadii lagu soo xidhayay ciyaarahaasi ayaa ugu horayn hambalyo u diray kooxda Star gaashaan ee koobka ku guulaysatay iyo kooxdii kaalinta labaad gashay.


Waxaanu yidhi "Ugu horrayn Rabbiga weyn ayaan uga mahad celinayaa ee guusha inoogu dhammeeyay tartankii qiimaha badnaa ee ay u baratameen 16-ka kooxood ee kooxaha heerka 1-aad ee Kubbadda cagta gobolka Sool.


Waxaanan dhambaal hanbalyo ah u dirayaa kooxda Star gaashaan ee galabta ku guulaystay koobkan. Waxa kaloo iya-na aan ammaanayaa kooxda kaalinta labaad noqotay ee Baskidka oo dedaalka ay finalka ku yimadeen muujiyay iyo kooxihii kale ee qaybta ka ahaa koobkan, oo iyag-na si qiimo weyn dhamantood u soo ciyaaray”.


Cabdiqani Jiidhe, ayaa intaas raaciyay "Bogaadin kale waxaan u dirayaa tageerayaashii kooxaha oo dhan, oo ay ugu horeeyaan kooxda koobka hanatay iyo kuwo kale-ba. Waxaanan leeyahay dhammaanteen waynu guulaysanay.


Xamaasadda Sports-ku naxli ka dheer, oo wuxuu koriyaa is-qaddarinta bulshadda, is-dhexgalkooda nabadda iyo arrimo kale oo ilbaxnnimadu ku dheehantahay, kaabana horumarka. Waxaanan rejaynnayaa in aynu sidaas u wada fahan sanahay”ayuu yidhi badhasaabka Sool.


Ugu danbayn badhasaabka ayaa u mahad celiyay masuuliyiintii kala qayb galay xidhitaanka tartankaasi iyo sidoo kale Horn Cable TV oo intii ciyaaruhu socdeen si toosa u baahinayay.


Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi "Ugu danbayn waxaan u mahad cellinayaa masuuliyintii igala qayb qaatatay sida, wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada, maayerka degmada, taliyaha qaybta police, xidhiidhka ciyaraha iyo isku duwaha, cayaaraha, iyo cid kastoo door ku lahayd daadihinta tartankan.


Horn CableTV, oo si toosa shaashadaha dunidoo dhan u tabinayay ayaan isna mahad balaadhan inaga mudan. TV-ga horncable marlabaad guulaysta. Sool cup la’aantii saan ma noqdeen”.


"Barnaamijyada tartankan qiimaha weyn ka mid yahay iyo kuwa kale ee dhinacyada kale khuseeya ayaa dhammaantood qayb ka ah siyaasadda madaxwaynaha ee dhiirigelinta dhalinyatada gobolka Sool uu u qorsheeyey”ayuu hadalkiisa ku soo gebagabeeyay badhasaabka Sool.

 

Loading...
Loading...