Maxaa Sababay In Markale Ay Lubnaan Dibedbaxyo Gilgilaan?

0
Monday November 04, 2019 - 08:19:42 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1039
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Sababay In Markale Ay Lubnaan Dibedbaxyo Gilgilaan?

    Dibadbaxayo ballaadhan ayaa markale ka billowday dhowr magaalo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dibadbaxayo ballaadhan ayaa markale ka billowday dhowr magaalo
oo ka tirsan dalka Lubnan. Mudaharaadyada oo u muuqday iney yara istaageen kaddib marki uu Ra'isal wasaarihi dalkaasi Sacad xariiri uu ku dhawaaqay inuu iscasilayo, ayaa haatan dib u soo noqday.

Dadka mudaharaadaya waxay dowladda ku eedeynayaan iney sidii la rabay uga jawaabin shacabka waxyaabaha ay ka cabanayeen.



Rai'sal wasaaraha dalka Lubnaan ayaa is casilay Talaadadii la soo dhaafay balse dibedbaxayaasha haatan dib ugu soo laabtay waddooyinka ayaa waxay sheegayaan in aysan weli qanacsanayn, oo waxa ay doonayaan in gebi ahaanba meesha laga saaro dowladda haatan jirto oo isbedel lagu sameeyo habka siyaasadda dalkaasi.


Mudaaharaayasha ayaa maamulka haatan jira waxay ku tilmaameen inuu yahay mid musuq daashaday sidoo kalana loo aaneynayo shaqala'aanta baahsan ee ka jirta dalka Lubnaan iyagoona wacad ku maray inay sii wadi doonaan dibedbaxyada ilaa uu dalkooda ka dhaco isbedel dhab ah.


Tony Mehanna waxa uu ka mid yahay mudaaharaadaasha isugu soo baxay Magaalada Beirut waxa uu leehay waxaan u soo baxay inaan sharaxo minaha saxda ah ee isbedel.


''Waxaan maanta ka nimid meel fog oo dalka Lubnan ka tirsan si aan uga qayb qaadanno mudaharaadyada muujinaya kacdoon waxa uu yahay, iyo doonitaanka shacabka waxa uu yahay, dadku aad ayey u daallan yihiin'', ayuu yiri Tony Mehanna.


''Waxaan dooneynaa dowlad dib u soo celiso xuquuqda shacabka balse ma jirto cid shacabka dhageysaneyso oo ma jirto cid inamaqleysana marka waxaad mooddaa inan ku nool nahay laba meelood oo kala duwan'',ayuu Mehanna intaasi ku sii daray.


Dhanka kale waxaa jiray mudaaharaadyo kale oo lagu taageerayay madaxweyne Michel Aoun, kuwaasi oo aaminsan in Michel uu yahay ninka saxda ah ee isbedel ka sameyn karo dalka Lubnaan.

Alain Aoun oo uu adeer u yahay madaxweyne Michel Aoun sidoo kalana ah xildhibaan ayaa BBC-da u sheegay in haddii gebi ahaan meesha laga saaro habka siyaasadeed ee dalka ka jira ay sababi karto khalalaase iyo bur-bur ka dhaca dalka Lubnaan.


''Dalka wuu qaybsan yahay, waxaa jira dad mudaharaadaya oo wax walba ka horimaadsan iyo dad taageera fiican haysto, arrintana waxay si gaar ah u quseysaa madaxweynaha jamhuuriyadda''.


''Marka aad dalbaneyso nidaamka oo dhan inuu mesha ka baxa, waxaad ugu yeereysaa ayey ka dhigan tahay fowdo iyo dowlad la'aan, habka ugu wanaagsan ayaa wuxuu yahay in hay'adaha xoogga la saaro, cabashada shacabkana la dhageysto si isbeddel loo guda galo''.


Dibadbaxyada dalka Lubnan ayaa bilawday 17 Oktoobar, kadib markii dowladda ay canshuur kusoo rogtay tubaakada, batroolka iyo wicitaanka whatsapka, inkastoo markii dambe dowladda ay meesha ka saartay.


Waxaa wali muuqata in waxyaabihii ay ka cabanayeen dadka sanakdii 2011-ka xiligaas oo uu kacdoon ballaaran ka dhacay dalalka Carabta ay wali taagan yihiin

 

BBC

Loading...
Loading...