Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Iscasilaad U Gudbiiyey Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Sababta Ku Dhalisay.

0
Sunday November 03, 2019 - 19:32:12 in News by
  • Visits: 10771
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Iscasilaad U Gudbiiyey Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Sababta Ku Dhalisay.

    Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Iscasilaad U Gudbiiyey Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Sababta Ku Dhalisay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Iscasilaad U Gudbiiyey Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Sababta Ku Dhalisay.


Hargeysa(HWN):-Wasiirka arimaha dibada somaliland Yaasiin Xaaji Maxamiid Xiir(Faratoon) ayaa warqad iscasilaad ah u gudbiyey madaxweyne Muuse Biixi.


Go’aanka Wasiir Faratoon qaatay ayaa noqonaya markii labaad ee uu damco inuu iska casilo xukuumada isla markaana iscasilaadiisa u gudbiyo hogaamiyaha dawlada somaliland.



Sida ay sheegayaan wararka ay Hadhwanaagnews helayso, wasiir Faratoon ayaa iscasilaadiisa ku sababeeyey arimo caafimaad oo la soo darsay isla markaana aanu wadi Karin hawsha wasaarada, isaga oo ku xusay warqadiisa in dhakhtarkiisa gaarka ah ee UK ku sugani uu kula taliyey inuu ka nasto shaqada siyaasada.

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Iscasilaad U Gudbiiyey Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Sababta Ku Dhalisay.




Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa mar kale ganafka ku dhuftay iscasilaada uga timid wasiirka arimaha dibada, isaga oo ka diiday inuu ka aqbalo isla markaana ka codsaday inuu xukuumada ka sii mid ahaado wasiir Faratoon.


Magacaabidii hore ee wasiir Faratoon ayaa ku soo beegan tahay wakhti uu madaxweyne Muuse socdaal ugu baxayey gobolada bariga, isaga oo qorshihiisu ahaa in wasiir faratoon uu ka damiyo mucaaridad adag oo ilaa maanta kaga kacsan gobolada sool iyo sanaag.


Wasiir Faratoon ayaan mudooyinkii ugu dambeeyey ka soo muuqan kulamada weftiyada caalamiga ahi la yeelanayaan masuuliyiinta somaliland, iyada oo laga dhex waayey kulamada weftiyadii ugu dambeeyey ee ka socday midawga yurub, qaramada midoobay iyo deeq bixiyayaasha somaliland ka taageera doorashooyink iyo dimuqraadiyada.


Dhaliilaha ay shacabka somaliland u jeediyaan xukuumada madaxweyne Muuse Biixi oo la xidhiidha dhinaca tayada ay leedahay iyo khibrada masuuliyiinta ku jira ayaa sawir xun sii bixinaysa haddii ay hirgesho iscasilaada wasiir Faratoon.


Sidoo kale warar Hadhwanaagnews soo gaadhaya ayaa sheegaya inay jiraan masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada madaxweyne Muuse Biixi kuwaas oo qorshaynaya inay iska casilaan xukuumada halka qaarkoodna ay gudbiyeen dalabkooda, kuwaa soo aanu dhawaan idiin soo gudbin doono


Isku soo duuboo hogaaminta madaxweyne muuse biixi ayaa u muuqata mid gacantiisa ku soo ururtay waxanay bulshadu si waydiinayaan mudada ay sii socon doonto talada ku soo ururtay gacanta madaxweynaha.

Loading...
Loading...