Xildhibaan Nacnac Oo Dhaliil Culus Dusha U Saaray Wasiirka Warfaafinta Somaliland

0
Sunday November 03, 2019 - 19:29:38 in News by
  • Visits: 3097
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Nacnac Oo Dhaliil Culus Dusha U Saaray Wasiirka Warfaafinta Somaliland

    Xildhibaan Nacnac Oo Dhaliil Culus Dusha U Saaray Wasiirka Warfaafinta Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Nacnac Oo Dhaliil Culus Dusha U Saaray Wasiirka Warfaafinta Somaliland


Hargaysa (HWN):-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa eedayn u jeediyay wasiirka wasaarada warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye.


Xildhibaan Nacnac ayaa wasiirka ku eedeeyey inuu wax tixgelin ah siin waayey tacsidii taliyaha ciidamada booliska alle haw naxariistee Cabdilaahi Fadal Iimaan isaga oo xusay inuu idaacada iyo telefishanka dawlada ka siidaayey heeso kala duwan halka haboonayd maadaama uu taliyihii ciidanka Booliska Somaliland la aasayay maydkiisii in loo saaro warbaahinta dawlada Quraan.

Related image


Xildhibaan Nac nac oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi "Waxaan layaabanay hadaanu daantaa nahay (daanta Arabka) radio Hargaysa oo weli tiiyoon la’aasin maydkii taliyihii ciidanka Booliska Somalilandqaadaya heesihii Magool, dadka quraanbaa loo saaraaye, wasiirka warfaafinta Somaliland ma waxa uu garanwaayay saddex cisho inuu quraan uga siidaayo warbaahinta taliyaha dhintay, waanu haysanaa waanan diidanahay, mana ilaawayno ayaanu leenahay, caruurtii oo weli ooyaysa ayaa heesaha loo saarayaa, miyaanay qalad ahayn?


Xidhibaan Nac nac ayaa sidoo kale sheegay inay labadii taliye ee ku xigay taliyaha dhintay ay iyaguna xanuunsanayaan, ayna tahay in inta xanuunsanaysa iyo taliya dhintayba loo saaro quraan.


Taliyihii ciidanka Booliska Somaliland ayaa shalay aas qaran loogu sameeyay magaalada Hargaysa

Loading...
Loading...