Talooyin Xagga Shaqada La Xidhiidha

0
Sunday November 03, 2019 - 17:15:18 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1992
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talooyin Xagga Shaqada La Xidhiidha

    Talooyin xagga shaqada la xidhiidha oo ku socda Soomaalida ku nool qaaradda Yurub "Europe"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talooyin xagga shaqada la xidhiidha oo ku socda Soomaalida ku nool qaaradda Yurub "Europe"
Soddonkii sano ee u dambeeyay Soomaalidu waxay imanaysay qaaradda Yurub; halkaas oo ay nolol iyo deggenaansho ka helayeen, tiraduna ay dhawr jeer laban laabantay sannadihii u dambeeyay qulqulka socdaalka awgii. Dadkii qaaradda soogalay waxa ku waajibay inay fuliyaan laba arrimood oo kala ah: Tacliin —inay wax bartaan iyo inay shaqaystaan. Qofku dhallinyaro ha ahaado ama qof wayn ha ahaadee, nolosha Yurub in qofku shaqeeyo waxa ku xidhan noloshiisa iyo deggenaantiisa maskaxeed haddii uu qofkaasi caafimaad qabo. In se qofku marka hore tacliin diyaariyaa waxay ka faa'iido badan tahay in uu markiiba shaqo bilaabo. Bal se duruuf-nololeedka Soomaalida oo isku sidkan awgeed, waxa dadka intiisa badan khasba in uu markiiba shaqo beegsado xaaladaha ehelkii kusoo tabcay ee uu ka yimi/ka timi.


Sidaa marka arrin yahay ee dadka qaaradda soo galay u badan yahay in ay shaqeeyaan, waxa muhiim noqonaysa in qofku guul ka keeno shaqooyinka uu noloshiisii gelinayo. Qodob kaa shaqada —oo ah halka aan u socdo—ayaan ereyo kooban oo talo ah ku eegayaa.

Haddii aad dalkii ka soo shaqaysay iyo haddii ay hadda shaqo kuugu horraysaba waxa xaqiiq ah in deegaanka shaqo ee Yurub yahay mid qof walba ku cusub ! Sababtoo ah hannaanka, habka, iyo qalabka lagu shaqaynayaaba waa wax ka duwan xaalad-shaqeedkii dalkii aynu u dhalannay. Sababtaa awgeed waxa khasab ku noqonaysa in qofku hannaankan la jaanqaado, si ay suurogal ugu noqoto in uu shaqo helo. Waxyaalaha markiiba daaqadda ka baxaya ee aan kuu shaqaynayn waxa ka mid ah dhaqan-shaqeedka hannaankeenna nololeed ee debecsani horseeday oo ay ka mid yihiin:

"Waan maraateeyay, waxba ma qabto waqtiga ayuun baan ku lumiyaa, marka maamulaha shaqadu aanu i arkayn waan iska fadhiistaaba, waxba igama gelin ee waan kala tuuray markiiba, maamule hoosaadka ayaanu is fahannay oo waxba ima dhaho"

Dhaqankani ma aha mid hannaanka shaqo ee Yurub aqbalo ! Waayo shaqo kasta waxa loo diyaariyey hab qofka lagu ogaan karo waxa uu qabanayo iyo sida uu u qabanayo. Qalab ka Elektaroonigga ayaa ah Waardiyaha ugu wayn ee aan marna la siri karin ( S. Electrical Devices). Mar haddii hannaakii sidaa yahan, si aad uga fogaato fashil shaqo.Tallaabooyinkani waa suuragal in ay si'uun kuu caawiyaan:

1.Ugu horrayn waxa aan marraba gorgortan geli karayni waa waqtiga shaqada ! Tusaale, haddii shaqadu 5:00AM Subaxnimo la gelayo, bal se aad soo habsaanto 5 daqiiqo ama 3 daqiiqo waxa kuu caddilmay mashiin ama shaqo aad bilaabi lahayd la wareeggeeda. Haddii ay mar dhacdo ama laba jeer oo kala fog waa suuragal inuu maangal noqdo cudurdaarka aad la timaaddo ee habsaan kaaga sababay. Haddii se ay dhaqan kuu noqoto waxan shaki kujirin in aadan mustaqbal ku lahayn shirkaddaa xitaa hadday tahay shaqo aad jeceshay oo aad u wanaagsan. Sababtaa awgeed, waa in waqtigu kaa go'naadaa oo aad ugu yaraan 5-daqiiqo soo qaddintaa. Hadda uma jeedo inaad shandaqiiqo ka hor timaaddaa goobta shaqada ! Waayo shan daqiiqo kuguma filla inta aad maryihii shaqada gashanaysid ba. Waxan se u jeedaa bilawga shaqada waa inaad dhawr daqiiqo soo qaddintaa oo ay dhaqan kuu noqotaa.

2.Haddii aad ku jirto xilliga ku meel-gaadh ka ah "Probationary Period" waa inaad jiirtan ku dhaaftaa dhawr arrimood:
-Watiga oo qaddin ah mar walba
-Fahan degdeg ah iyo u fiirsasho hannaanka shaqada, farsamada iyo qalabka. Waayo waqti kooban baad haysataa
-Qofku markuu meel ku cusub yahay wuxu la kulmaa guulguul iyo gerbin ay ku sameeyaan shaqaalaha uu shirkadda ugu yimi. Markaa waxad u baahan tahay dulqaad —weliba in aan dadku kuu muuqan ee fahanka shaqadu kuu muuqdo, dabcan wixii gef wayn ah xeerka iyo sharciga meesha ayaa idin kala saaraya. Xilligan adayggiisa leh dulqaadku waa biriijka aad kaga gudbaysid xaaladdan adag ee ku hortaalla

3.Haddaad ku nooshahay waddammada af-jarmalka lagaga hadlo sida: Jarmalka, Osteriya iyo Iswiiserlaan. Waddamadaasi dhaqaale ahaan waa dalal horumarsan, fursadaha shaqaduna ku badan tahay. Fursadahaa shaqo awgood waxa ku badan oo jooga dadka kasoo jeeda Bariga-Yurub iyo Turki; dadkaasi 99% waa dad Shaqaale ah, waxayna neceb yihiin dadka soo galawga ah ee qaaradda yimi. Sida Afrikaanka, Carabta iyo Aasiyaan kaba. Sababtuna waxay u arkaan in shaqadii lagu cidhiidhyayo, inta badanna waxa dhacda in dadkaasi yihiin dad hannaanka iyo qalabka lagu shaqeeyaba fahamsan. Isla markaana maamul-hoosaadka shaqada "Shift Supervisor" ay yihiin. Waxad markaa u baahan tahay inaad fahamto luggooyooyinka iyo wanjalaadaha ay kuu dhigayaan oo aad ka feejignaato, dabinnada ay dhigaan waa suure inuu shaqada kaa galaafto. Isaga oo aan toos kuu weerari karin qof kaasi haddana wuxu kugu dhibaatayn karaa khibradda uu leeyahay ee xagga shaqada, awoodda maamul iyo khibrad la'aan taada. Waxad markaa kaga badbaadi kartaa wanjaaladdooda inaad xigmad iyo feejignaan yeelato

4.Awoodda xooggan: qodobkan waxan uga jeedaa, haddaad laba isku darsato aad bay suuragal u tahay inaad shaqada meelsare ka gaadho.
- Fahanka qalabka lagu shaqaynaayo
oo aad si wanaagsan u baratid
- Gacan fudayd, aad tahay qof dedaal
aawadii shaqada ku dhakhsada oo ka
go'naansho leh. Labadan arrimood waxay difaac kaaga yihiin cid kasta oo ku xaasidda in aanay waxba kaa qaadin ! Waayo shaqada ayaaba kuu baahan oo waxad tahay qof u muhiim u ah shirkadda.

5.Dadka aad la shaqaynaysid: in kasta oo marka la joogo aqoonta la xidhiidha maamulka Aadamaha iyo shaqooyinka "HRM" ay jirto aragti ah qofka horumarkiisa shaqo waxa saamayn ku leh shiqsiyaddiisa qofeed ee xagga dad la dhaqanka. Ma se aha arrin kama dambays ah. Imisaad aragtay Injineer cid ka shaqo wanaagsani aanay jirin sida uu wax u fadhiisinayo ee wax u dhisayo — haddana camal xumida aad is odhanayso yaan salaantaba ka qaadin ! Waxan markaa uga socdaa dadka aad la shaqaynayso. Kuna dhex jir, kana dhex baxsanow. Ku dhex jir, si aan gaar calaamadi kuugu dhicin. kana dhex baxsanow, si aan mushkilado badani kuugu furmin oo aan xurmo-xadeedkaagu u lumin.

6.Sahlayaasha shaqada: Shirkad kastaba shaqo goonniya ayay leedahay, waxay se shaqooyinku u badan yihiin shaqooyinka warshadaha "Production" kolkaa, waxa muhiim ah inaad taqaan waxyaabaha aasaasiga u ah shaqooyinkan. Sida, Fook liftiyada - (Forklift) noocyadeed kala duwan iyo hab fahan guud oo mashiinnada la xidhiidha. Shaqo kastaana waxay leedahay waqti aad ku baranaysid oo loogu talo galay in qofka cusubi kula qabsan karo. Inta badan shaqooyinkuna si uun bay Computer- meel uun uga gelayaan. Ha noqoto shay inta la iskaan gareeyo Computer la gelinayo amaba summad-qoraaleed "Codes"lagu qorayo ha ahaadee. Markaa haddaadan computer-ka waxba ka aqoon way kugu adkaanaysaa inaad markiiba la qabsato, sababtaa awgeed computer soo qaado oo gurigaaga ku baro, waa haddaadan aqoon, haddii kalena waaba taqaan.

7.Haddii aad xirfad samaysay oo aad shirkad tababbar ku qaadatay ama aad xirfad toos ah samaysay, adigu markaa jaanis baad haysataa ka duwan dadka caadiga ah. Markaa waxa kuu muhiim ah xirfadda aad baratay inaad ku shaqayso oo keliya in aadan ka fekerin, bal se aad isku daydo inaad ku noqoto qofka ugu wanaagsan. Si aad meelsare uga gaadho shaqada

8.Iska illow marmarsiinyaha dadku adeegsadaan ee ah; Cunsuriyiin bay noqdeen oo lala shaqayn kari maayo, iwm. Waa run oo dadka aad u timi kuuma yeedhin, kugumana casuumin dalalkooda. Sidaadaraaddeed waa maangal inaad cid ku neceb iyo cid kusoo dhawaysaba la kulantid. Adiga ayaa se waajib ku saaran yahay sidii aad ugu dhex noolaan lahayd ee noloshaada uga dhexsamaysan lahayd. Midna ogow, cid ku caawinaysa oo wax kuu sallaxaysaa ma jirto ! Keliya nolol adiga uun baa samaysan kara. Caajis iyo Wahsi ama cabatin waxba kuma laha qaaraddan. Afarta habeennimo ayay kacaan dadkani sida aad ogtahay, hadda iyaga oo waddaniyiin ah oo dhulkoodii jooga, guryo ay leeyihiin deggan. Beerahoodii iyo wershadohoodii dhexjooga. Bal kawarran qofka soo galawga ah ee gurigu kiro ku yahay, afkii dalka iyo aqoon inuu barto laga rabo sidoo kale inuu shaqaysto u baahan, sow markaa 200% inuu halgamo maaha. Sababtaa awgeed dedaal uun baad wax kaga keeni kartaa qaaraddan

9.Ugu dambayn, waa inaad la haataa qorshe Salaadeed. Si kasta oo shaqadu u— adag tahay waajibka salaadda waa inaad fulisaa, waa inaad diyaar garawga salaadda ku darsataa qorshe-shaqeed kaaga. Ha aqbalin arrinta hoobadka ku geynaysa ee ah "Hadhow baan salaadda is wada raacin" xaalad kasta waa inaad suuragelisaa salaadda.

Haddaan gabbal kii dhaciyo
Markuu waa soo galaba
Tacliin aad goosatiyo
Gundhiggu tacab kuu astayn
Ogoow gacan hoorsi iyo
Gujiyo hiif kama baxdide

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...