Darafyadan Dacwiyaye, Miidiyaha Ka Doobyaa, Dalka Hadday Unaxayan, Dagaal May Abuuren
BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).
SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,
BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA
1-DARAFYADAN DACWIYAYE,MIIDIYAHA KA DOOBYAA,
DALKA HADDAY U NAXAYAN,DAGAAL MAY ABUUREN,
DADKU WUXU KU MEELMARAY,DEREJADA KU GAADHIN,
DANTOODA INAY WADAAGAN,ISKU DUUBNI WADA JIRA.
2-DEEQAHA EEBA BIXIYAAN,DADKA WADA DHAMAYNOO,
DOOXYADO ROGMANAYA,DUUL KA OOMANBA BADAN,
DAWLADAW HANJEBAYSAAN,DIRQI BAY KU SOCOTAA,
DUNIDA INAAD KA XIDHANTIIN,DUBAAQIINA MAY GELIN.
3-DAAYINKAA XAQSOORE,DULMI AADMI INUU DHACO,
ANIGOON DAFIRAHAYN,CIDDNABA AAN DIFAACAYN,
WAXA KASTO LA DIIDABA,WUXUUNBA KA SII DARAN,
WAXXAD DUUNYO LEEDIYO,DAHAB KUMA GOOYAAN.
4-DUGSI WEEYE NABADUYE,KA HAYAAN DAREEMAYN.
DOOYAAN LA ODHANIYO,DURDURU KU JABAY GEEL,
DANO WIXII INAGA LUMAY,DEGDEG LAGUMA HELAYE,
DURUURS SAMIRKU LEEYIYO,DADAAL BAAD KU GAADHA.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





