Haddii Caad Cadceed Lagu Dhex Daro, Wayska Cidin-Ciide ( Abdi-Shotaly).

0
Sunday November 03, 2019 - 16:40:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2344
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haddii Caad Cadceed Lagu Dhex Daro, Wayska Cidin-Ciide ( Abdi-Shotaly).

    Lama eegan karo sidda ay wax u socdaan iyo xaaladda uu ku jiro dalkii,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lama eegan karo sidda ay wax u socdaan iyo xaaladda uu ku jiro dalkii,

 waa wax aan hore inoo soo marin sheeko iyo shaahid-ba, waa dulinimo in ummadani ay aqbasho masaa'iibtan ku ku habsatay, ee ay dhinacna-ba ugu nuuxsan wayday, ku noqday siddii xanuunkii kuudu-diye ee ruugaga u laabay, soo fadhiisiyey, kaas oo Somaliland ka dhigay fadhiid, aan sinaba u kici karin siddii qof naafa ah, xataa heerka aynu marayno ma tukubi karno, oo iilka baynu dul naalaa, in ciidda la inagu rogo uun baa inoo hadhay. Nin xoolo dhaqato ah, baa lax daabaxaad ah ka soo gaxaystay adhigiisii, isaga oo is leh aad reerka ugu safar tagtid, oo waxa ay kuu baxdo raashin u soo siisid. nasiib darro weyn bay ku noqotay, in neefkii uu soo gaxaystay markuu meel dhexe maraayo, uu u socon waayey, wax uu jiid-jiido-ba, aakhirkii waxay ka fadhiisatay, oo uu xadhiggii cunaha kala gooyey, bay dhan u dhacday sidiina ku bakhtiday, dabeed halkii buu kaga tegay, oo keliggii inta uu xadhiggii ka furtay uu ku watay, uu tuuladdii uu is lahaa ka soo iibi keliggii qabtay, galabtii buu isaga oo ku soo caraabaaya gurigiisii, buu dib u soo qaday dariiqii uu kaga tegay laxddii saaka uu farsama xumaanta u dilay, ee u dhimatay siduu kolba xadhiga ugu dhifa-naayey, ka bacadi intuu is dul taagay buu yidhi " Liica-liicalay Saakana lugay lahayd" imikana waxa ku kala tegay dugaag, oo waa taa harag mooyee aanu hilib joogin. Ninkii isaga oo aan reer-kiina wax u sidin, oo halkii laga sugaayey safar uu keeno fara madhan, buu reerkii dib ugu soo noqday, markii ay caruurtii ay ku soo yaacday, ee ay is lahaayeen maxaa la idiin keenay, baa iyaba waa ayaan darro'e, ay madaxa qabsadeen, markuu u sheegay waxa ku dhacay. Waxan hadaba u soo qaatay sheekadan yar halkan kala socdda hoose.

 

Raggii ma adigaa ka hadhay, dal nabad ah baa uu ku wareejiyey Madax-weyne siilaanyo, oo ka dhaxlay Madax-weynihii Daahir Riyaale,waxana faraha loo geliyey dal iyo dad wadda socdda, siman oo ummadiisu nabad ku wadda nooshahay, oo weliba uu Siilaanyo soo taabtay xuduudda inoo dhaxaysa Puntland, isaga oo gaadhay ilaa iyo Laas-qorey, xaga kale-na Garoowe u jirsaday 3 mayl oo qudha, buuhoodle ay joogaan ciidamo Somaliland ahi, cadaw keliya la wadda leeyahay ( halka ay imika iyakii isu cadaw noqdeen), beelo is haystaa aanay jirin, iyo maamul isku sii dirayaa, oo beelaha qaar taabacsan, qaarna u haysta wadkii illaahay u soo direy ee dili lahaa, cadaalad iyo wax wadda lahaansho daayoo. Hadeer waxa taagan muwaadin, waad arkaysaa hadaan indhaha la iska ridaynin. Dalka kala badh wuxu u gacan galay puntland, oo kii madax-weynaha sheeganaayey baa maanta jooga Badhan, Awadal Jabhado ba aka dilaacay, Sool inteeddii badnayd way socotay, Gobolkii Buuhoodle gebihaan-ba waxa Cashuurta ka qaadda Garoowe, oo wasiiro dhan bay fadhi u tahay, Ciidankii Somaliya baa soo fadhiistay, berina waxa imanaaya kuwa la yidhaaho " Unisom Army", beel-beel bay isu haystaa, Xoolihii ummadan in yar bay faraha ugu jirtaa, kuwaas oo fooq-yadda laga dhistay gudaha iyo bangalooyinka debedda lagaga iibsaday hantiddii ummadda, aanay maskaxdda bani'aadamku keenayn, ee weliba lagu faanaayo iyaba waa midh subxaana-laahi ahe.

 

Wuxu yidhi Qaasim (IHun) " Haddii caad cadceed lagu dhex daro, wayska cidin-ciide" Wuxu u jeedaa "Been iyo xaaraan marka la isku daro" nijaas bay noqdaan. Wax idiin hadhay oo aad sii dhawr-taan ama sugtaan baa iskaba yar, markii wixiiahaa hantiddii guud la dhameeyey ee la meelaystay, lagu kala dhaqaaqay, kala boobkii loo kala bereta-maayey, nin-ba wax uu faro la gaadha-ba, ee laga soo hoyday, baa imika loo soo degsaday in muwaadi-niintii gurya-hooddii, beera-hooddii, baloodh-baloodh looga fara maroojiyo, ay sharciga u haysteen, sand kaste cashuurta laga qaadi jirey, baa imika loogu awood sheegtay anaa xoog leh, qayla dhaanta iyo baroorta ka dhacaysa haweenka iyo ubadka debedda loo saydhay, maatadda debedda loo qubay, baa weliba sidaas ay qaar inaga mid ahi, ay ugu sacab garaacayaan. waxan ku soo af jaray qoraalkan, Sidda ninka laxdda watay ee ay cidladda ka fadhiisatay, markii uu ku bakhtiday xadhiggii uu ku watay, ee uu cunaha kaga maray, bay askar-taniu soo yuururisay dalkii siduu u dhamaa, oo wax booba mooyee aanay farsamo kale haynin, waa taa gaadhay in qoys-qoys dhulkii looga qaado, awel in gaar ah baa la eryanaayeye, haday is wadda gaadhay, kana fursan mayso laba mid uun, kuwaas oo ah, in aad iska dhicisaan iyo in aad sidaas ku dhaxal wareegtaan.

 

* N.B Cagta Ii Dhig Waa Kaas Nabsigi Soo Cadceed-sadaye!

Qore:-Abdi-Shotaly

[email protected]

 



AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...