Agaasimaha Guud Ee Baanka Somaliland, Oo Tacsi Udiray Ehelkii Iyo Asxaabtii Uu Ka Baxay Marxuum S/G Cabilaahi Fadal

0
Sunday November 03, 2019 - 08:56:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Guud Ee Baanka Somaliland, Oo Tacsi Udiray Ehelkii Iyo Asxaabtii Uu Ka Baxay Marxuum S/G Cabilaahi Fadal

    Innaa Lillah Wa Innaa Illeyhi Raajacuun

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Innaa Lillah Wa Innaa Illeyhi Raajacuun

Anigoo ku hadlaaya magaca Maamulka Sare ee Baanka Dhexe, iyo kan shaqaale weynha Baanka Somaliland, waxaan Tacsi u dirayaa qaranka Somaliland shacbi iyo dawladda gaar ahaan ciidanka boliska, geerida naxdinta badan ee ku timid marxuum Taliyihii Boliska, Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal IImaan oo caawa ku geeriyooday Hargeysa. Waxaan tacsida iyo tiiraanyada la wadaagayaa reer Iimaan, qoyska marxuumka, walaal iyo waalid iyo tafiirta reer iimaan.



Marxuum S/G Cabdilaahi waxaa lagu xusuusan doonaa hawlkarnimo, daacadnimo, dal jaceyl iyo u darbanaan horumarinta ciidanka boliska, Waxuu ahaa madaale aan aqoon daal, nasasho iyo shaqo yareysi. Waxuu ahaa dhegta, isha, gacanta iyo lugta qaranka ee sugta ammaanka dalka. Waxuu ahaa nin darajadu ayna bedelin, ee u yaqaanay inay tahay culays iyo fariin u tilmaamaysa adeega bulshada. Waxuu ahaa nin askar, sarkaal iyo shacbiba si aan isla weyni lahayn ula dhaqma, nin agtiisa shaqo tahay shaqo oon midna ka xaragoon.

 

Waxaan Alle uga baryayaa inuu u naxariisto, dambigiisa dhaafo, qabriga u nuuro una waasiciyo, ugana dhigo beer ka mid ah kuwa fardawsta sare. Sidoo kale waxaan Alle uga baryayaa inuu qoys, ehel, asxaab, ciidanka boliska iyo qaranka Somaliland waafajiyo samir iyo duco. Aamiin.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...