Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Oo Tacsi Udiray Ehelkii Uu Ka Baxay Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan

0
Sunday November 03, 2019 - 08:52:49 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1291
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Oo Tacsi Udiray Ehelkii Uu Ka Baxay Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan

    Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan
Cabdilaahi Waxa uu Dhambaal Tacsi ah u Dirayaa isagoo ku hadlaya Magaciisa iyo Magaca Saldanada Geerida Ku Timi Taliyihii Ciudanka Booliska Somaliland Marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan oo Maanta lagu Aasey Magaalada Hargeysa, Waxaanu Suldaanku ilaahay uga Baryayaa in uu Janadii Fardawsa ka Waraabiyo Marxuumka Guud ahaana Qaranka Somaliland Shicib iyo Dawladba Samir iyo Iimaan kasiiyo, Sidoo kalen Illaahay Samir Saadiq ah kasiiyo Qoyskii Qaraabadii iyo Ehelkiisii iyo Dhamaan Ciidamada Booliska Somaliland ee uu Taliyaha u ahaa.

 

Sidoo kale Waxa uu Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Madaxweynaha Taladda Haya Muuse Biixi Cabdi Tacsida uu u Direy Kadib Usoo Jeediyay in uu Taliyaha Ciidanka u Magacaabo Taliyaha Qeybta Bariga ee Hargeysa (Ina Xasan Qarbash)


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...