Tuugta Mexico Oo Fara Baas Ku Haya Xadhko Sugaya Amaanka Gidaarka USA Ka Dhisayo Xadka Iyo Qiime Ay Ku Sii Iibinayaan

0
Friday March 22, 2019 - 20:26:53 in News by
  • Visits: 2827
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tuugta Mexico Oo Fara Baas Ku Haya Xadhko Sugaya Amaanka Gidaarka USA Ka Dhisayo Xadka Iyo Qiime Ay Ku Sii Iibinayaan

    Xadhkihii Sugi Lahaa Amaanka USA Oo Ka Qayb Qaadanaya Ilaalinta Amaanka Guryaha Mexico

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xadhkihii Sugi Lahaa Amaanka USA Oo Ka Qayb Qaadanaya Ilaalinta Amaanka Guryaha Mexico


Washington(HWN):-Tuug u dhashay wadanka Mexico ayaa fara baas ku haya waayarada lagu dhajiyey gidaarka ay dawlada maraykanku ka dhisayso xadka ay la wadaagto wadanka Mexico.




Sida ay qortay jariirada The Guardian ee ka soo baxda wadanka Ingiriiska, Tuugta Mexico ayaa suuqyada wadankooda ku iibiya xadhkaha loogu tala galay inay amaanka ka qayb qaataan ee lagu dhajiyey gidaarka uu maraykanku ka dhisayo xadka uu la wadaago Mexico.


Sidoo kale wargeyska The Guardian ayaa sheegay in sababta ay tuugtu u xadayso xadhkahan ay tahay in dadka magaaladu ay u isticmaalaan amaanka waxaanu intaas raaciyey in Tuugada magaalada Tijuana ee wadanka Mexico ay la yaaban yihiin qorshaha uu madaxweynaha maraykanku ku doonayo inuu ku ilaaliyo amaanka dalkiisa isla markaana gidaarka ku dhisayo, waxaanay tuugtu ku tala galeen in xadhkaha loogu tala galay inay amaanka maraykanka ilaaliyaan ay sugi doonaan nabad galyada guryaha wadanka Mexico.


Dadka degan magaalada xuduuda ku taala ee Tijuana ayaa telefishanka XETW 12 u sheegay in shakhsiyaad ka mid ah ganacsatadu ay soo bandhigeen xadhkaha laga soo goostay gidaarka maraykanku ka dhisayo xadka iyaga oo xusay in lagu rakibay 40 guri oo magaalada ku yaala isla markaana guri kasta lagaga iibinayo qiime gaadhaya laba doolar $2.



Click Here To Read More


 


 

Loading...
Loading...