Dhalintii Kacaanka

0
Saturday November 02, 2019 - 12:02:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1599
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhalintii Kacaanka

    Kacaankii Shuuciga ahaa ee ka dhashay af-ganbigii Askartu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kacaankii Shuuciga ahaa ee ka dhashay af-ganbigii Askartu

ku af-genbiday dawladii rayidka ahayd ee Dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya 21kii aktoober 1969kii, xili uu wadanku curdin ahaa sagaal jirsaday, ayaa ku toban jirsaday maamul milatari oo qasab, jujuub iyo qori caaradiiya, Kacaankaa shuuciga ahaa wixii uu galay iyo wixii uu gaystay waa laga wada dheregsan yahay, waayadii xumaa ee xanuunka iyo murugada lahaa ee askartii Kacaanka shuuciga ahaa ay badeen guud ahaan shacabweynihii dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya, se gaar ahaan siddii axmaqnimada iyo manaxaanimada lahayd ee loo xasuuqay reer Somaliland, waxa se layaab iyo qaadanwaa ah sidda aanay uga korrodhsan wax waayo aragnimo ah Ummada reer Somaliland, maalmihii madoobaa ee Kacaankii baday, waxa siddoo kale layaab ah sidda ay ugu dhaqmayaan wuxuu baray Kacaankii 50 sanadood dabadood, se Hubaal durba ilaawe wuxuu baday Kacaankii.



Iminkiyo haatan 2019ka waxa fejeciso ah sidda Somaliland aanu uga sal-guurin Hab-dhaqankii iyo sifihii lagu yaqaanaay Kacaankii shuuciga ahaa,wakhti laga doogsaday diiftii iyo xanuunkii ayaamihii darnaa ee Kacaankii shuuciga ahaa uu baday, oo wakhti qarni kala wareegay aduunyada oo Dumuqraadiyad iyo Caddaalad laysku dhaqo, sow'tan Dib u jeedsi lays rogay!.

Horta waa su'aale Kacaankii muu goblamine Dhalintii Kacaanku meeday???.


Illaah baa Kariim ahe

Dhalintii Kacaanku

Kornayladan madaxdiyo

Waa Kulmiyaha hada.

Fuad Fartaag

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...