Dawlada Kuwait Oo Go'aan Ka Soo Saartay Ka Ganacsiga Adoomada

0
Saturday November 02, 2019 - 10:33:16 in News by
  • Visits: 2151
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Kuwait Oo Go'aan Ka Soo Saartay Ka Ganacsiga Adoomada

    Dawlada Kuwait Oo Go'aan Ka Soo Saartay Ka Ganacsiga Adoomada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Kuwait Oo Go'aan Ka Soo Saartay Ka Ganacsiga Adoomada

Dowladda Kuwaiti ayaa sheegatay inay u yeertay milkiilayaasha dhowr cinwaan oo baraha bulshada ah, kuwaasi oo loo isticmaalayay in lagu kala iibsado shaqaalaha.


Baaritaan ay laanta Afcarabiga ee BBC-da ka sameysay dalka Kuwait ayaa lagu ogaaday in shaqaalaha guryaha si sharci darro ah loogu kala iibsado suuq madow oo dhinaca internet-ka ah, kaasoo ay sahleen adeegyada shirkadaha Google Play, Apple App Store, iyo algorithm oo isticmaalaya shirkadda Instagram, oo hoos tagta Facebook.



Dowladda ayaa sheegtay in dhammaan dadka ku lug leh ganacsigan ay meesha ka saaraan xayeesimaha lagu sameeynayo cinwaanadooda.

Kumannaan haween ah ayaa loo iibsan karaa shaqaalenimo iyadoo la adeegsanayo shirkadaha internet-ka, bariga dhexe, waana suuq madow oo sharci darro ah, kuna saabsan ganacsiga addoomada

Waxaa sidoo kale lagu khasbay inay saxeexaan ballanqaad sharci ah, iyagoo ballanqaadaya inaanay mar dambe ka qaybqaadan doonin hawshan.


Waxay Mas'uuliyiintu sheegeen in si adag looga hortagi doono dhaqdhaqaaqyada ay sameeyaan adeegyada Online-ka ah ee shaqaalaha lagu kala iibsado.


Tan iyo markii ay kooxda BBC-da la xiriireen shirkadaha online-ka ee fududeeya ganacsiga sharci darrada ah, shirkadda 4Sale waxay meesha ka saartay ol'ole ay sameyneysay oo uu magaciisu ahaa "Shaqaale kala gudbinta".


Dhanka kale barta Instagram ayaa sheegtay inay tallaabo ka qaadday cinwaanadaasi tan iyo intii ay BBC la soo xiriirtay. Waxay sheegtay inay Facebook iyo Instagram ka saartay dhammaan cinwaanada lagu kala iibsanayay addoomada ayna ka hortagi doonto in cinwaano cusub oo ganacsigaasi ku saabsan laga sameysto.


Haddii aad ku dhex socotid waddooyinka dalka Kuwait, waligaa ma arkeysid haweenkan. Waxay ku xareysan yihiin guryo ay albaabbada u xiran yihiin, waxaana la duudsiiyaa xuquudooda aasaasiga ah.


Looma oggola inay si iskood ah ugu baxaan bannaanka, waxayna halis ugu jiraan in laga sii iibiyo dad baahi dheeri ah u qaba.


Laakiin Telefoon casri ah soo qabso, ka dibna waxaad arkeysaa kumannaan sawirro ah oo muujinaya haween shaqaalenimo loo iibsan karo, kuwaasoo uu qiimahoodu joogo kumannaan doolar isla markaana tartan loogu jiro.


Sagaal ka mid ah tobankii guri ee ku yaalla dalka Kuwait waxaa jooga shaqaale qoyska u adeega.


Dadkaas oo ka imaada qaar ka mid ah waddamada ugu saboolsan adduunka ayaa Khaliijka u taga si ay u helaan lacago ay qoysaskooda ku taageeraan.


Wariyeyaal ka tirsan laanta Af Carabiga ee BBC-da ayaa iyagoo iska dhigaya lamaane mar dhow yimid Kuwait waxay la hadleen 57 qof oo isticmaalay app dhinaca internet-ka ah, waxayna booqdeen in ka badan 10 ruux oo isku dayayay inay shaqaalaha guryahooda jooga ku iibiyaan shirkad caan ah oo lagu magacaabo '4Sale'.


Dadkan ayaa intooda badan waxay aaminsan yihiin in haweenka shaqaalaha ah laga xareysto baasaboorrada isla markaana laga ilaaliyo isticmaalka telefoonnada.


Kooxda baaritaanka qarsoon sameyneysay ayaa si joogto ah u maqli jiray dadka oo dhahaya, "Shaqaalaha Hindiga ah ayaa ugu wasakh badan", iyagoo erayadaasna u adeegsada haweenka.


Xadgudub xuquuqda aadanaha ah


Kooxda ka socotay BBC-da ayey dadka sheegayay inay shaqaalaha iibka ah hayaan ku dhiirrigalinayeen inaysan haweenka adeegtooyinka ah siinin xuquuqdooda aadanaha ee aasaasiga ah, sida in loo diido fasax hal maalin ah, ama hal saacad ah ama xitaa hal ilbiriqsi ah.


Hal nin, oo askari ah, isla markaana doonayay inuu iska iibiyo haweeneyda gurigiisa ka shaqeyneysay ayaa yidhi: "I aamin, waa haweeney aad u fiican oo waji faraxsan leh. Xitaa haddii aad ku amartid inay taagnaato ilaa uu waaga ka baryo wax cabasho ah ma muujineyso".


Wuxuu kooxda baaritaanka qarsoon sameyneysay u sharraxay sida loo kala iibsado shaqaalaha. "Waxaad arkeysaa qof shaqaale kusoo iibsanaya 600 KD ($2,000), ka dibna kusii iibinaya 1,000 KD ($3,300), ayuu yidhi.


Ninku wuxuu dadka ka iibsanayay shaqaalaha siiyay sir ah: "Ha u oggolaanin inay heysato baasaboorkeeda. Adiga ayaa mas'uul ka ah. Maxaad u siineysaa baasaboorka?".


Mid ka mid ah kiisaska ugu naxdinta badan, kooxda BBC-da ayaa loo soo bandhigay gabar, taasoo magaceeda aan ka dhigeyno 'Fatou', oo ay da'deedu tahay 16 sano.


Waxaa laga soo kaxeeyay dalka Guinea ee ku yaalla Galbeedka Qaaradda Africa, waxayna shaqaale ahaan uga howlgaleysay Kuwait muddo lix bilood ah, iyadoo uu jiro sharci dhigaya in qofka shaqaalaha noqonaya ay da'diisu ahaato 21 sano.


Haweeneyda iska iibineysay ayaa sheegay inay Fatou ka qaatay baasabaarokeedii iyo taleefankii ay isticmaaleysay labadaba, mana aysan u oggolaan jirin inay guriga ka baxdo iyadoo kaligeed ah - dhammaan arrimahaasina mamnuuc ayey ka yihiin waddanka Kuwait.


Sharci la hirgaliyay sanadkii 2015-kii ayaa waddanka Kuwait ka dhigay dalka sida ugu adag u ilaaliya xuquuqda shaqaalaha, laakiin sharcigan ma aha mid uu qof walba ku dhaqmo.


"Cadaab run ah"

Kooxda BBC-da waxay u safreen waddanka Guinea si ay isugu dayaan inay xiriir la sameeyaan qoyska ay kasoo jeeddo Fatou, oo ah cunugta yar ee la doonayay in looga iibiyo waddanka Kuwait.


sanad walba boqollaal haween ah ayaa laga kaxeeyaa Guinea waxaana la geeyaa dalalka Khaliijka, iyagoo loo adeegsanayo shaqaale ahaan.


"Kuwait runtii waa meel cadaab ah", sidaas waxaa tidhi haweeney horay shaqaale u ahaan jirtay, oo dib usoo xasuusatay markii la seexin jiray xerada ay lo'da ku xarooto, sidaasna waxaa ku sameyn jirtay haweeneydii ay shaqaalaha u ahayd.


Shaqaale kale ayaa tidhi: "Guryaha Kuwait ma fiicna, Hurdo ma heleysid, raashin ma heleysid, wax laguu oggol yahay ma jiraan".


Fatou Waxaa markii dambe helay ciidamada waddanka Kuwait, waxayna geeyeen xarun hoy ah oo ay dowladdu leedahay. Labo malamood ka dibna waxaa loo tarxiilay waddankeeda, maadaama ay tahay carruur uusan sharciga dalkaas u oggoleyn inay shaqeyso.


Waxay BBC-da ku tidhi: "Way igu qeylin jireen waxayna igu dhihi jireen xayawaan. Way xanuun badaneyd, murugo ayey i galisay arrintaas, laakiin waxba kama aanan qaban karin".


Waxay dib ugu laabatay Iskuul ku yaalla magaalada Conakry, waxayna kooxda BBC-da ee booqatay ku tidhi: "Aad baan u faraxsanahay, xitaa hadda oo aan ka sheekeynayo, wali waan faraxsanahay. Nolosheydu hadda way ka fiican tahay sidii hore. Waxaan dareemayaa sidii inaan dib uga soo laabtay addoonsi"



Source:-BBCsomali

Loading...
Loading...