"Caalamku Waxbuu Ka Baran Karaa Sida Ay Somaliland Maleeshiyaadka Uga Guulaysatay"...Micheal Rubin

0
Friday March 22, 2019 - 19:31:02 in News by
  • Visits: 2444
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Caalamku Waxbuu Ka Baran Karaa Sida Ay Somaliland Maleeshiyaadka Uga Guulaysatay"...Micheal Rubin

    "Caalamku Waxbuu Ka Baran Karaa Sida Ay Somaliland Maleeshiyaadka Uga Guulaysatay"...Micheal Rubin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Caalamku Waxbuu Ka Baran Karaa Sida Ay Somaliland Maleeshiyaadka Uga Guulaysatay"...Micheal Rubin


Hargeysa(HWN):-Aqoonyahan Micheal Rubin oo ah Xeeldheere Millatari oo Maraykan ah ayaa warbixin uu maanta ku daabacay warsideyaasha caalamiga ah wuxuu ciwaan uga dhigay"Caalamku wax buu ka baran karaa sidii Somaliland uga Guulaysatay Maleeshiyaadka.”




Mr. Rubin Wuxuu warbixintan ku faalleeyey sida Soomaaliya oo Dawladda Maraykanku ay ku taageerayso sannadkan $900 oo Milyan oo Doolar aanay haddana waxba uga qaban dhinaca Ammaanka dalkeeda, taasina ay Maraykanka ku tahay tacab khasaar. Waxaanu xusay in Soomaaliya ay ku guulaysatay horyaalka dalka ugu musuqmaasuqa badan Adduunka oo ay xataa ka sii liidato dalalka Yemen, Waqooyiga Kuuriya iyo Venezuela.


Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) oo faallada Mr. Micheal Rubin ka soo xigatay Warsidaha Foreign Policy, ayuu ku sheegay in Somaliland ay miisaaniyaddeeda oo dhan $350 Milyan oo Doolar ay Saddex meeloodow meel geliso Ammaanka iyo Gaashaan-dhigga.


Mr. Rubin wuxuu xusay inuu soo bandhigay siday Maraykanka lagama maarmaanka ugu tahay Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal aan la aqoonsan oo uu socdaal ku tagay bishii hore.


Khabiirku wuxuu ku dooday in lacagaha Soomaaliya la siiyaa ay tahay mid keenaysa wakhti lumis isla markaana fawdo sii gelinaysa dalkaas, waxaanu carabaabay in khaladaadkii Maraykanka iyo Qarammada Midoobay ay ka sameeyeen Ciraaq ay mid la mid ah ka sameynayaan Soomaaliya.


Waxa kaloo uu naqdiyey Safiirka Marayanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto oo uu xusay inaanu iman Somaliland, isla markaana dhaqaalaha loogu yabooho Soomaalida uu doonayo in lagu isticmaalo Soomaaliya oo kaliya, waxaanu tallabadaas ku sifeeyey mid ka hor imanaysa siyaasadda Madaxweyne Donald Trump ee ku wajahan Afrika.


Mr. Micheal Rubin wuxuu intaas ku daray in Dawladda Maraykanku ay lacag xad dhaaf ah ku bixiso ka hortagga maleeshiyaadka caalamka ka jira, balse wax aad u yari ka midho dhalaan dedaalkaas, waxaanu qiray in Somaliland ay maleeshiyaadkeedii gobollada oo dhan ay ku guulaysatay inay iskugu geyso hal ciidan qaran, waxaanu caddeeyey in hannaankii ay u maareysay Maleeshiyaadku ay cashar u noqon karto meelo badan oo caalamka ah.






Loading...
Loading...