Madaxwayne Deni Oo Sheegay Halka Uu Salka Ku Hayo Khilaafka Ka Dhaxeeyay Xukuumada Somaliya Iyo Puntland

0
Saturday November 02, 2019 - 08:18:17 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1559
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Deni Oo Sheegay Halka Uu Salka Ku Hayo Khilaafka Ka Dhaxeeyay Xukuumada Somaliya Iyo Puntland

    Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed
oo mar kale ka hadlay muranka u dhexeeya Puntland iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in Puntland aanay lacag iyo mashaariic ka raadinayn Villa Soomalia, balse ay doonayso in ay saamigeeda ka hesho hannaanka awood-qeybsiga dalka ee 4.5 (Four Point Five).


 

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hannaanka awood-qeybsiga Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan nidaamka Qabaliga ah ee beelaha ku salaysan oo reer walba uu saami goonniya ku leeyahay xilalka dowliga ah, sidaasi darteedna Puntland ay mar kasta raadinayso saamiga uga maqan dowladda dhexe.

 

Mudane Deni ayaa xusay in markii Puntland gudaheeda la joogo beel kasta ay ku xisaabtamayso saamiga ay ku leedahay kuraasta Puntland, sidaasi oo kalena la doonayo in loogu xisaabtamo kuraasta heer Federaal.

 

Waxa kale oo uu sheegay in maadaama isaga loo doortay madaxweynaha Puntland, ay ka go’antahay in uu Villa Somalia kula xisaabtamo saamiga Puntland uga maqan dowladda dhexe, isagoo bulshada ka codsaday in lagu taageero go’aankiisa.

 

Madaxweynaha ayaa si sarbeeban u sheegay, in dhawr jeer Villa Somalia u ballan-qaadday lacago, si uu uga tanaasulo go’aankiisa ku aaddan la xisaabtanka xukuumadda Federaalka, balse uu iska diiday ballan-qaadkaasi.

Loading...
Loading...