Trump Oo Si Rasmi Ah Uga Guurayo Gurigiisii Hore
Waxaa uu sheegay in sababta uu go'aankaas u gaaray ay tahay in siyaasiyiinta ku sugan New York ay si xun ula dhaqmeen.
Madaxweyne Trump ayaa ku dhashay New York balse wuxuu marar badan waqtigiisa ku qaatay gurigiisa kale ee Mar-a-Lago estate ee ku yaal Palm Beach ee gobolka Florida.
Barasaabka New York Andrew Cuomo iyo duqa magaaladaas Bill de Blasio ayaa waxay kasoo horjeedaan siyaasadda Trump, labadooduna waxay ka tirsan yihiin xisbiga Dimuqraadiga.
Waxay labadan mas'uul soo dhaweeyeen go'aanka Trump uu ugu guurayo Florida.
"Nasiib darro, inkasta oo sannad kasta aan maalaayin doolar oo canshuur aan ku bixiyo magaalada, waxaa si xun ii la dhaqmay siyaasiyiinta magaalada iyo gobolka" ayuu yiri madaxweyne Trump.
Guriga Trump ee ku yaal degaanka Manhattan ayaa waxaa uu degenaa tan iyo sannadkii 1983-dii.
BBC