War Deg Deg Ah: Taliyihii Ciidamada Booliska Somaliland Oo Geeriyooday

0
Friday November 01, 2019 - 20:50:07 in News by
  • Visits: 9379
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah: Taliyihii Ciidamada Booliska Somaliland Oo Geeriyooday

    War Deg Deg Ah: Taliyihii Ciidamada Booliska Somaliland Oo Geeriyooday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah: Taliyihii Ciidamada Booliska Somaliland Oo Geeriyooday


Hargeysa(HWN):-Alle haw naxariistee waxa goor dhawayd ku geeriyooday magaalada Hargeysa taliyihii ciidamada booliska somaliland Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan.


Alle haw naxariistee Taliye Cabdilaahi Fadal ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey lala tacaalayey xanuun uu la jiifay oo keenay inuu gudan kari waayo hawlihii qaranka ee uu u xilsaarnaa.



Taliyihii ciidamada booliska somaliland alle haw naxariistee sareeye Gaas ayaa mudadii uu hogaaminayey ciidamada booliska somaliland waxa uu gaadhsiiyey horumar muuqda oo lagu xusuusan doono.


Taliye Cabdilaahi Fadal ayaa hogaaminayey ciidamada booliska somaliland tan iyo sanadkii 2012 ka dib markii uu geeriyooday taliyihii ka horeeyey marxuun Maxamed Saqadhi Dubad.


Image result for cabdilaahi fadal

Guud ahaan maamulka iyo hawl wadeenada Hadhwanaagnews ee daafaha caalamka ku kala sugan waxay shacabka somaliland iyo ehelada marxuunka ka tacsiyadaynayaan geeridaas ku timid taliyihii ciidamada booliska somaliland Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan

Loading...
Loading...