Jigjiga:- Agoon Uu Dhul Iyo Guryo Iskugu Daray Madaxweyne Mustafe Cagjar Iyo Waxyaabaha Ay Ku Mutaysteen
Jigjiga(HWN):-Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar ayaa kulan la qaatay ehelada askar dawlada kaga dhimatay gobolka Siti.
Madaxweyne Mustafe Cagjar oo maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay ehelada askartii ku geeriyootay dagaalkii ka dhacay galbeedka gaar ahaan gobolka Siti.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa u balanqaaday eheladan ciidankan geeriyooday inuu sii doono dhul isla markaana looga dhisi doono guryo .
Sidoo kale madaxweynaha dawlada deegaanka soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar ayaa sheegay in dawladu ay si gaar ah uga warhayn doonto ehelada askartii ku geeriyootay dagaalkii gobolka Siti, isaga oo xusay inay dawlada xaq ugu leeyihiin inay ka helaan gargaar iyo taageero si gaar ah loo siiyo.
![]() |


0 






