Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Khadka Telefanka Wada Hadal Kula Yeeshay Wasiirka Arimaha Dibada USA

0
Friday November 01, 2019 - 19:01:04 in News by
  • Visits: 1728
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Khadka Telefanka Wada Hadal Kula Yeeshay Wasiirka Arimaha Dibada USA

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Khadka Telefanka Wada Hadal Kula Yeeshay Wasiirka Arimaha Dibada USA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Khadka Telefanka Wada Hadal Kula Yeeshay Wasiirka Arimaha Dibada USA

 


Addis Ababa(HWN):-Raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa khadka telefanka wada hadal kula yeeshay xoghayaha arimaha dibada dalka Maraykanka Michael R. Pompeo.


Xoghayaha arimaha dibada Maraykanka Michael R. Pompeo ayaa raysal wasaaraha Itoobiya ku hambalyeeyey bilada nabada ee uu ku guulaystay dhawaan.




Sidoo kale xoghayaha arimaha dibada maraykanka Michael R. Pompeo ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada uu leeyahay xidhiidhka adage e u dhaxeeya maraykanka iyo Itoobiya isaga oo sheegay inay diyaar u yihiin in xukuumada raysal wasaare Abiy ay ka caawiyaan isbadalada taariikhiga ah ee ay ku wadaan dalka.


Raysal wasaaraha Itoobiya iyo xoghayaha arimaha dibada Maraykanka Michael R. Pompeo ayaa sidoo kale ka wada hadlay mudaharaadadii ugu dambeeyey ee ka dhacay deegaanka Oromada iyo muhiimada ay leedahay in wada hadal lagu dhameeyo caqabadaha jira.


Dhinaca kale raysal wasaare Dr. Abiy Ahmed iyo xoghayaha arimaha dibada Maraykanka Michael R. Pompeo ayaa sidoo kale falanqeeyey arimo la xidhiidha gobolka geeska Afrika sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha Itoobiya.


Raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa xoghayaha arimaha dibada Maraykanka waydiistay inuu kala shaqeeyo sidii loo horgelin lahaa heshiiska nabada ee ay wada gaadheen dhinacyada koonfurta Suudaan.

 

Loading...
Loading...