Dawlada Soomaaliya Oo Kordhisay Mushaharka Ciidamada Qalabka Sida
Muqdisho(HWN):- Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada kala duwan loo kordhiyey xadiga mushaharka ay qaataan.
Fadhi ay yeesheen golaha wasiirada soomaaliya oo lagaga hadlayey miisaaniyada dawlada ee sanadka 2o20 ayaa lagu soo bandhigay mushahar kordhinta loo samaynayo ciidamada kala duwan iyo meelaha ugu badan ee isbadalka miisaaniyadu ka muuqdo.

Miisaaniyada dawlada federaalka ah ee soomaaliya ee sanadka 2020 ayaa gadhaysa $459.5 Milyan oo doolar.
Korodhka ku yimid miisaaniyada dawlada soomaaliya ee sanadka 2020 ayaa ka yimid mushahar kordhinta loo sameeyey ciidamada qalabka sida taas oo askari walba loo qoondeeyey inuu u xaadiro mushahar gaadhay $200.
Raysal wasaare Xasan Cali Khayre oo ka hadlay mushahar kordhinta loo sameeyey ciidamada qalabka sidaayaa waxa uu yidhi ""Waxa ay naga astaahilaan naguna leeyihiin intaas ka badan. Waxaan u soo jeesannay inaan ciidankeenna kadib shaqadii dheerayd ee dib-u-habaynta inaan tayadooda dhaqaale wax ka qabanno, waa sannadkii ugu horreeyay waa billo la sii wadi doonaa”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.
Raysal wasaare Xasan Cali Khayre oo ka hadlay miisaaniyada dawlada ayaa sheegay inay kordhiyeen %274 tan iyo wakhtigii ay talada la wareegtay xukuumada uu hogaaminayaa.


0 





