Garyaqaan Tafaasiil Sharci Ka Bixiyey Go'aan Maxkamada Sare Ka Soo Saartay Khilaafka Wasaarada Waxbarashada Iyo Dugsiyada Gaarka Ah
DHANKAN IYO DHANKAABA WAA KU SAX: WAA ‘SAGAAL’ IYO WAA ‘LIX’
Waxa la yaab ah, in muran sharcikasta oo Maxkamadda Sare ay is-tidhaahdo go’aan kasoo saar uu dhaliyo muran kale oo horleh, oo dhinac waliba yidhaahdo dooddeydii ayay ayidday. Kasoo bilab tii UCID ee ay ku tidhi garabyo is-haya ‘dib-shir u qabsada’, tii Talyanle ee ay tidhi gole u qaybsamay laba qaybood oo isleeg, oo dhanwalba Guddoomiye wato ‘dib-isugu noqda, iyadoon sheegin cidda fadhigooga kaas xiga guddoomin doonta’: tan Xeer- nidaamiyaha Waxbarashaduna waa mid kale oo wasaaraddii dhanbay u dabbaaldageysaa, iskuuladiinna dhankooda.

Waxay ka dhigantahay arrintoodu sidii laaba qof oo midna madaxa ka taaganyahay number ‘9’ midna hoos taaganyahay. Kan sare ee hoos usoo eegayana ula muuqda number ‘6’ kan hoose ee sare u eegayana u la muuqda number ‘9’.
Kusoo noqo Xeernidaamiaha: Miyaa la ‘hakiyay’ xeer-nidaamiyaha, misa waa ‘la laalay’, haddii la hakiyay’ illaa goorma ayuu ‘hakisnaanayaa’. Waxa la-hakiyay, ma fulintiisa uunbaa? oo xeernimadiisu waa ansax? Mise waa si kale. Waayo haddii xeer-nidaamiyuhu yahay mid ka horyimid Xeerkii Jideeyay, miyaanay ahayn in go’aanka Maxkamaddda Sare yidhaahdo waa ‘waxba kama jiraan‘: ‘null and void’ oo ay laaasho gabi-ahaan ama qeyb ahaanba (qodobada ka hor-imanaya xeerka guud)?
Wuu se ka horyimid uun maahee, miyuu sheegay go’aanku qodobada Xeerka (Waxbarashada)ee uu ka horyimid xeer-nidaamiyuhu? Waa maya lama sheegin. Sidoo kale halkay ka keentay maxkamadu awoodda ay ku amrayso Xeer-qoraalka sida loo qorayo iyo in wax-laga baddalo iyo in kale. Ma xeer-dajinbaa, misa waa Garsoorid shaqadeedu, oo sax iyo qalad, gar iyo gardarro, sharci iyo sharcidarro inay soo saarto ayay shaqadeedu tahay. Bal adba!
Su’aalaha ku saabsan habka loo maray go’aankani ma yara, oo iyaguna waqtibay u baahanyihiin. Go’aanku wuxuu ku soo baxay bilaa dacwoode iyo dacweysane, bilaa fadhi, bilaa dood dhinacyo dhexmartay oo fadhi furan oo maxkamadeed ka dhacday. Bal adba! Dadkoo hurdaa dee inay kusoo toosaan ‘go’aanno aanay ku doodin ama aanay ka doodin’ waa mid loo fadhiyi karo maanta laga bilaabo.


0 





