Saxaafada Iyo Doorkeeda

0
Friday November 01, 2019 - 11:28:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1033
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saxaafada Iyo Doorkeeda

    Saxaafadu waxay Soo shaac baxday qiyaas ahaan 1780 yadii waxayna ku bilaabantay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saxaafadu waxay Soo shaac baxday qiyaas ahaan 1780 yadii waxayna ku bilaabantay

warsidayaal  (newspapers) ilaa wakhtigaa laga soo bilaabo way koreysey,oo kolba heer bay mareysey.

Saxaafadu waxay qaab weyn oo muhiima ka qaadatey ama ka qaadataa qaabeynta maskaxda adamaha.


Saxaafadu waxay kaalin weyn ku leedahay kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta siyaasada ee muwaadiyiinta wadankasta oo caalamka ka midaba.Waxaay sameeysaa wergelin iyo wax isdhaafsi dhinacyada isgaadhsiinta ah oo muwaadiyiintu dalkooda siyaaba kala duwan ugu horumarin karaan.Saxaafadu waxay muhiim u tahay oo ay kobcisaa democracy ga iyo isku xukunka sharciga hadii ay hesho fursada madaxbanaanida si ay fariimaha u gaadhsiiso bulshada iyada oo aan cidna dulmin,kuna xadgudbin xoriyada aasaasiga ah ee umada,hayadaha dawladuna ka hor istaagin shaqadeeda in ay muwaadiyiinta gaadhsiiso wararka sugan ee muhiimka u ah dadka iyada oo aan cidna ka baqaneynin oo xor ah, qadarinta iyo isxushmeyntana lagu wada shaqeenayo.



Saxaafadu waxay qayb ka qaadataa dhisida bulsho domuqradiya oo isku tiirsan danahoodana ilaashanaya.


SAXAAFADA IYO SOMALILAND

Somaliland waxa ay soomalida kale kaga horeysey taariikhda dhinaca saxaafada taas waxaa markhaati u ah radiyihii ugu horeyey ee Afka somaliga lagu baahiyaa wuxuu ahaa radio hargeysa 1941.


Xitaa Qorista Afsomaliga waxaa laga bilaabay Somaliland taas oo culimo reer Somaliland ahi qoreen buugag farsomali ah.


Dhinaca kale markii laanta afsomaliga ee BBC da la aas aasey wariyayaashii lagu aas aasey waxay ahaayeen kuwo reer Somaliland ah, Sidaa awgeed Saxaafada Somaliya ee casriga ah waxaa ay ka soo aas aasantay Somaliland.


Suxufiyiin badan oo magac iyo maamuus ku dhex leh bulshada somaliyeed ayaa ka soo dhexbaxay bulshada Somaliland.


Suxufiyaantaasi hore waa kuwa kor u qaaday wacyiga iyo xitaa horumarinta afka Somaliga,waxay ku soo kordhiyeen erey bixino afsomali ah oo cusub,waxayna kaalin weyn ka qaadeen qaabeynta saxaafada iyo doorkeeda in kasta oo dhinaca Somalida konfureed aan la dafiri Karin in ay suxufiyiinta ka soo jeedaa ay kaalin weyn iyaguba ku lahaayeen saxaafada Somalida gaar ahaan wixii ka dambeyey 1970 yadii hadana suxufiyiinta ka soojeeda Somaliland waxaa odhan karaa waa kuwa dhidibada u dhigay saxaafada somalida gaar ahaan Radio yaasha,iyo wargeysyada.


Hadana taariikhdooda iyo kaalintoodii taariikheed waa mid la ilowbay oo aan ku suntaneyn taariikhda saxaafada somalida taasina waa qayb ka mid ah taariikhda Somaliland ee aasan ee xitaa dadkeedu aaney rabin in taariikhda dadkooda iyo dalkooda ururiyaan halka kuwa somalida kale dadkoodu ururiyaan oo ay wax ka qoraan.


Taariikhda lunsan ee Somaliland saxaafada oo qudhi kuma koobna balse xitaa xisbiyaadii siyaasadeed ee Somaliland ee xoriyada keenay Ayaan ka muuqan meelaha taariikhaha lagu kaydiyo


Tusaale 1

Dawladii kala dabeyey ee Somaliya waxay taariikhda xoriyada Somaliya si weyn ugu buunbuuniyeen xisbigii SYL ee konfurta halka aan taariikhda lagu xusin xisyadii SNL, USP iyo NUF oo aan xitaa aas aasayaashoodii la xusin halka 13 kii dhalinyarada ahaa ee SYL meel walba magacyadooda iyo taariikhdooda laga helayo intii ay Somali dawlad yeelateyna la xusayey dugsiyadana lagu dhigayey xagey qabatey dadkii aasaasey ee dhidibada u taagey Somaliland siyaasadeeda saxaafadeeda iyo aqoonta iyo waxbarashada somaliya oo dhan.


Tusaale 2

Halgamayaashii xoriyada Somalida kuwa ugu taariikhda weyni waxay ahaayeen kuwii ka soo jeedey Somaliland saxaafadu wax weyn kama qorin:


1-      Sayid Maxamed Cabdule xasan  (keligii ayaa laga xusaa aadna wax looga qoray)


2-      Farax Omaar (wax badan laga sheego)


3-      Sheekh Bashiir (wax ba lagama sheego)


4-      Axmed Gurey (Wax yar baa laga qorey)


Saxaafadu waxa qayb muhiima oo dadka u gudbisa taariikh,warar,aqoon iyo wacyi gelin.


Saxaafadu waxay isla bedeshay isbedelka Technology ee Caalamka waxaana maanta ku soo biirey qaybo cusub oo wararka , fariimaha, aqoonta, madadaalooyinka laysku gaadhsiiyo kuwaas oo la kowsadey internatka iyo www ka.


Sidaa darteed waxaa isbedel ku yimi qaabkii iyo shuruucdii caalamka ee lagu dhaqayey saxaafada madax banaanideeda, iyo privacy, balse saxaafada Somaliland weli ma helin sharciyo si fiican ula jaanqaadaya saxaafada iyo madaxbanaanideed. Taasina waa ta keenta inay iska horyimaadaan hayadaha sharciga iyo suxufiyiintu.


Saxufiyiintu waa iney noqdaan kuwo aqoon u leh shaqada saxaafada, hayadaha fulintuna waa in ay noqdaan kuwo aqoon u leh xeerarka saxaafada iyo qaabka loola dhaqmo suxufiga labaduba waa in ay u diyaarasan yihiin hawlaha ay qabanayaan,balse ma muuqato fahan iyo wadashaqayn dhinaca sharciga ah oo ay labada dhinac ilaalinayaan taasina waa caqabada ay mar walba la kulmayaan saxafiyiintu.


Ciidamada amaanka waa in la siiyaa tababaro ku saabsan saxaafada iyo sida loola shaqeeyo waana in ay fahansan yihiin xoriyada saxaafada iyo wixii xadgudub ah iyo qaabka loo maareeyo,saxaafadu waa in ay noqoto mid dhexdhexaad ah oo gudanaysa uun xilkeeda saxaafadeed.


Tusaale 3

Hadhwanaagnews oo ka mid ah saxaafada madaxa banaan ee Somaliland ayaa dhawaanahan xanibaad kala kulantay Somaliland arintaasi waxay u baahan tahay in hadhwanaagnews na is saxdo oo ay dib iskugu noqoto,hayadaha sharciguna is saxaan oo dib iskugu nodaan iyada oo la kaashanayo sharciga iyo nidaamka dalka. Suxifiyiintana tacadiyada laga daayo wixii qalad ah ee jirana lagu dhameeyo Isfahan iyo sharciga saxaafada.


Anigu shaqsiyan xogogaal uma ihi waxaa la isku hayo, balse rayigayga waxaan u arkaa in saxaafada xoriyada madaxbanideeda la wada ilaaliyo saxaafaduna ilaaliyo dhexdhaxaadnimada iyo hubinta waxa ay ka warameyso xaqiiqadeeda mar walba danta dalkana laga horumariyo wax kastaba oo saxaafaduna qaranimada ilaaliso.


Ugu dambeyntii waxaa aan qabaa kuna talinayaa hayadaha fulinta iyo kuwa garsoorka in saxaafada iyo suxufiyiinta gudashada waajibkooda lagu ilaaliyo loona arko kuwo gudanaya waajibaad qaran oo ay ku saxayaan dhaliilo jira marwalbana lagu gacansiiyo gudashada waajibkooda lana ilaaliyo naftooda,hantidooda iyo sharaftooda suxufiyiinta xidhana la siidaayo arintoodana lagu xaliyo qaabka shuruucda saxaafada.


Suxufiyiintana waxaa laga rabaa in ay ku sifoobaan dhexdhaad,xaqiiqo ka waran,ilaalinta sharciyada saxaafada iyo dhaqanka suxufiga waxaad haysaan hawl adag oo u baahan aqoon,taxadir iyo hufnaan badan.

Waad mahadsantihiin Dhamaantiin

 

M J Farah

Certified Microsoft Innovative Educator

 source: hogaanka.org

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...