Go'aano Laga Soo Saaray Muran Ka Taagnaa Dhul Beereedka Deegaanka Gargaara Ee Lughaya.

0
Friday November 01, 2019 - 10:45:05 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2715
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Go'aano Laga Soo Saaray Muran Ka Taagnaa Dhul Beereedka Deegaanka Gargaara Ee Lughaya.

    Boorama (HWN) Wafdigii loo xilsaaray xalinta khilaaf ka dhashay beero ay dadka barakacayaasha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boorama (HWN) Wafdigii loo xilsaaray xalinta khilaaf ka dhashay beero ay dadka barakacayaasha
deegaanka Gargaara ka beerteen deegaankaasi ayaa go’aano  soo saaray.

 

Go’aankan oo uu ku dhawaaqay gudoomiyaha gudigan wasiirada Saleebaan Cali Koore ayaa waxa uu meesha ka saaray in la baabiiyo beeraha, islamarkaana waxa uu dul istaagay  cabirka dhul beereedka Gargaara kaasoo dhanaa kun iyo sided boqol oo mitir, sidaa awadeedna waxa uu gudigu go’aamiyay in kun iyo boqol mitir ay qotaan beelaha Bahabar Muuse ee Maxad-case halka 700 oo mitir-na uu go’aamiyay inay qotaan Beesha Ciise.

 

go’aankan ayaa u muuqda mid rajo u abuuraya dadka ku xoolo beelay duufaantii Sagar ee dhulbeereedka ka qotay deegaanka Gargaaraee Degmada Lughaya, kaasoo meeshana ka saaraya muran kii beelaysnaa ee ku gacan saydhayay in dhulka la qoto.

 

Waxii kasoo kordha kala soco wararkayaga Dambe


Loading...
Loading...