Jabhad Ka Biyo Diidan Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Dilaacday Duleedka Dilla

0
Thursday October 31, 2019 - 18:56:52 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3036
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jabhad Ka Biyo Diidan Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Dilaacday Duleedka Dilla

    Jabhad Ka Biyo Diidan Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Dilaacday Duleedka Dilla

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jabhad Ka Biyo Diidan Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Dilaacday Duleedka Dilla


Dila iyo duleedadeeda jabhad ka biyo diidan xukuumada iyo sida ay wax u wado ayaa ka dilaacay. Suldaan wabar ayaa soo laba kacleeyay isaga oo ku andacoonaya in heshiisyo xukuumada Muuse Biixi ay uga baxday.

Image result for magaalada dila


Dhinaca kale Dadka ku dhaqan xeebaha ayaa xukuumadu ka hor istaagtay inay Beero qotaan, buuraha awdal iska daa macdan laga qodee beelo ayaa dhiig iska daadiyay walina aan xal loo helin, waxaas oo dhan marka aad eegto waxa ay ku tusaysaa in dacalkii galbeed ee dalka fayoobaa ay Xukuumada Muuse Biixi ka dhiijisay maamul xumo aawadeed.


Dadka reer Boorama oo ah dad nabada jecel ah ma taageersana in qori caaradii wax lagu xaliyo, waxase ay qabaan in Muuse Biixi uu yahay ninkii loogu maahmaahay "nin aysan shantaadu kaa reebin sharci kaama reebo”.


Waxa ay dadku maahmaandan u daliishanayaan dabciga Madaxwayne Biixi ee odhanaya loo joojin maayo , waxana ay ku quusteen sida ay odaydhaqameedkii waawaynaa ee tabashada la hortagay aanay wali waxba u hayn oo ay u yihiin kuwo faro madhan kala soo laabtay.


Waxa ay dadka reer Awdal ka rabaan xukuumada Muuse Biixi ma aha wax dheeri ah, waa saami qaybsi ay xaq u leeyihiin oo ka bilaabma golaha baarlamaanka, kuna dhamaada hawl wadeenada dawlada ee wasaarad walba oo ay ka madhan yihiin, ama in yar oo dhadhamo ah ay ku hayaan. Xilalkii ay hayeen markii ay xukuumada Muuse Biixi dhalatayna ay yihiin kuwo la dun siibay oo digreeto walba oo soo baxda uu ka dhex maqan yahay xil ay reer Awdal hayn jireen.


Xusuusnow wali reer Awdal diyaar uma aha mana jecla in amniga wax layeelo, balse waxa dhaga-adayga Muuse Biixi uu umada ka dhigay kuwo uu xaalkoodu yahay laba daran kala dooro, waxana ay tani sii kordhinaysaa taageerada suurto galka ah ee ay dadku u hayn karaan Suldaan Wabar.


Taageeradan ayaa ah in ay lagama maarmaan tahay in saamiga ku maqan Xukuumada laga soo rido, iyada oo loo marayo sifo walba oo uu Muuse Biixi u istaagayo, sifahaas oo maanta u muuqda mid soomaalilaand waxyeelaya.


Saamiqaybsi loo siman yahay oo laga helo xukuumada waa astaan muujinaysa in Soomaaliland ay wax wada leedahay cimrigeeduna uu sii jiri karo mudo dheer, ictiraaf caalami ahna lagu heli karo, tanise ma muuqato oo cadaalad daro ayay reer Awdal tirsanayaan, waxana ay dhexda ka qaniinsan yihiin fartii ay ku doorteen Muuse Biixi.


Yaabka haysta dadka reer Awdal, waxa uu isku badalaa mararka qaar amakaag, waxana ay ka sii yaabaan marka ay arkeen Mujaahidiintii SNM oo cabanaya, Caruur iyo danyar dhul lagu haysto, suxufiyiin la caburiyay oo xabsiyada lagu guray, qaar kale oo suxufitiinta ah oo dalka uga qaxay cabudhin iyo cadaalad daro, iyo astaamo kale oo badan oo maanta Somaliland laga hayo oo muujinaya in dalka aan rajo laga lahayn.


Yeelkeede, dalku manta waxaa uu tabayaa hogaan daacad ah, nabarka ugu xun ee oof-wareemayna waa hogaamiye la’aan, hogaan xumo, iyo hiigsi gaaban oo aan dhaafsanayn hanta ururusi.


Loading...
Loading...