Jaariyo Walaalnimo, Jabuuti Wayna Xumaysay.
SALAAN GAAR AH BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA
JAARIYO WALAALNIMO,
JABUUTA XUMAYSOO,
JARTAYO WANAAGII,
JAALAY XAMAR KA DHIGATO,
HADDII AY JEBISAY GACALNIMO,
JARBAA LAYSU DEGAYAA,
JACAYL MEESHA KUMA JIRO,
JIRINA WEEYDAY DHALASHO,
JEENIGA AYAY SUDHAY,
ANA MAAN JAHAYSTOON,
JEEGAAN RUN AH SAMAYSTO,
JEEL DAD II QABAAN HELAYE,
JAANTA INAAN LA QAADOON,
JAANGOOYO TAYDABA,
JEESKAN MAXA I DABA DHIGAY,
ASMARA MAAN U JEESTO,
JARAHA DEGO IRMAANTABA,
JABSE WUXU KA JOOGAA,
ARIMAHA SOO JIREEN KA AH,
JAHADEEN KA MARAYNAA,
SAHAL LOOMA JARAYEE,
JARA RAAC SHAXDU DHIGAY,
HAYSKA JALOBUTAYSEE.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!