Tuug Reer Ma Leh ( Abdi-Shotaly).

0
Thursday October 31, 2019 - 15:36:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1596
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tuug Reer Ma Leh ( Abdi-Shotaly).

    Ummad yahay laabi laba u la, ee hawlka karan-tiyo hilaac-yadda bari,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ummad yahay laabi laba u la, ee hawlka karan-tiyo hilaac-yadda bari,

mid uun ku hagaag, mid uun ku hab-dhaboha, oo micna-heedu yahay, doc isugu baydh, sidda geesoolaha, kolba weji ha la imanine, oo ha la kala daay laba aan is raacin, kuwaas oo ah" Aynu wax qalano iyo aynu midi-yaha qarsano" Haddii wax la qalaayo waa in la hayaa, mididdii wax lagu gawraci lahaa, ee hilbaha lagu kala jar-jari lahaa, haddii-se la qariyo ama la xaseeyo, sidee bay u dhacaysaa in aad cuntaan hilib la idiin qalay? Waa wax aan suuro gel ahayn, ilayn fara-haaga ku gawrici kari maysid neef noole. Ujeedo iyo haatan waxan u soo qaatay, oo aan halkan maanta ka cadaynayaa, in aynu waddda tuug nahay iyo tuug kal-kaal, aan mid-mid dhaamaa jirin, misana mid-ba ku kale buu farta ku fiiqayaa ( Calaa-shaan) isku ficiis ma nihi, kiisana uu hoosta gashanaayo , oo uu haduu cirka inagu xeeran iibsado laga dhigaayo " Sidi-Muldhukh aan beer baaryey weliggii kala goynayn " Ummadda reer Somaliland waxay ka cabataa musuq-maasaq, laakiin ka ay isku reerka yihiin, wax kaste oo uu dejiyo waa loo xalaaleeyaa, waxay ku leeyihiin kuwa kale-ba way cunaane, maxaa kaayaga sheegay, oo harag baa loo saaraa, waxana ay ku odhana-yaan ma dadka buu ka duwan yahay, hadaad sheeg-tana aabahaa dhimay, oo reer hebel baad u jeedaa baa lagugu eeday-nayaa.

 

Maah-maah ba ahayd " Maroodigu takarta ku taagan ma arko, ee ta ka kale ku taagan buu arkaa" Waa iska dhab, cid dafiri kartaa ma jirto, oo waa laga siman yahay, guud ahaan iyo gaar ahaan-ba, hadana hantiddii ummadda in la ilaayo bay afka ka sheegayaan. oo ay leeyihiin in gaaraa cunaysa, oo qolo-ba-qolo ku eedaysaa, iyaka oo ka wadda mansuul ah, hadana beeli-ba-beel inteedda wax jaqaysa isha ku haysa, laakiin aan u jeedin, kuwa ay isku isir ka soo jeedaan, ee waxa ay la ooyayaan wadda. Akhristaw saw maaha markaa islaantii la yidhi "Xamiido nina way rabtaa, siddii ay ku heli lahayd-na, haab-keed ma hayso" Waxan leeyahay hadaynu nahay isma dhaanto iyo dhasheed, oo aan ka hantidda ummadda keliggii jaqaaya cid uu yahay-ba, meel looga soo wadda jeedin, wadda jir wax looga qaban, ee iyakii la kala xig-taysto, nina aanu qabanayn ka ay ilmaadeerka yihiin, walaalkii, isku beesha, qaraabadda, ee uu sidaas weliba ku difaacaayo, oo haday " Gubaan kitaab qu'raan ah" lagu odhanaayo maxaa adiga ku tusay" Hadda qawlkii ilaahay" waxa uu dab ku shiday, waxa aynu hadaba la qayli-nayno, ee aynu leenahay hebelka beesha kale baa wax cunay, iyo hebelka aanu isku jifadda nahay yaan la sheegin, af-kana aynu isu dedayno, daacadi dheer tahay, runta aan laga sheegayn beel waliba waxay futaynayso, hadaba maxaa loo cabanayaa, ee keenay kiis iska waalka? inta nin-ba nin-kiisa dabadda gelinaayo, ka kale-na makarafoon ka daba qaadanaayo, in ay wax idiin kor-dhaan ha eegina, waayo idinka baa ka talinaaya ba'iina

 

"Tuug Reer Ma leh", Ilaa uu soo qabato, qof waliba ka dadka ugu xiga, ee reer kaste-ba ku jira, waxaad afka ka sheegay-saan waa ina wax kama jiraan. Ka aad hooosta ku haysato ee aad khaladka uu sameeyo, indhaha aad ka lalinaysaa, waa ka nigiska kaala bixi doona hadhaw, ogaw kuna qaraarin-maayo'e. Waxad markaa ugu dagaala-maysaan, ee marka la soo hadal qaado ay bu'dhadhku isu dhaafa-yaan difaaciisa waa maxay? Bal is weydii akhriste, ka aad reer hebel ku daba socotaa, weligiin shilin ma idiin dhiibay? Isaga uun baa jeebabka buux-sada'e " Bakhtiga ma cuno ee fuud-kiisa baan cabaa" Waan idin waydii-yaye maxay ku kala duwan yihiin? Ama is dhaamaan ee u dhaxeeya, micno iyo dhan-dhan ahaan intaba? Waa jawaab la idinka sugaayo, guud ahaan iyo gaar ahaan-ba, ilayn cidla lama botoriyo'e, Umaad yahay waxad doonay-saan iyo waxad diiday-saan, dan-tiina, hoog-giina, ma kala taqaanaan, baroorna ma daysaan iyo jabnayeey, wixii halkaa idin dhigay-na kama waantaw-daan ilaa iyo yoomal-diin ( waxaas oo ah Qabyaalad iyo reer hebel oo aad isku taageer-taan)  Labadda askari qaar baa u caabudda siddii wax "Alle ka weyn " isaga oo kudaafadda baadha gaajo awgeed, wax uu ku haystaana aanay jirin, bay hadana ka ay isku reer hebelka yihiin kala weynaatay " Illaahii abuurtay", mar-kaasay weliba doonayaan in ay kuu sakhiraan, qabyaaladda uu hoosta kuwato, Bal nacasni-madda haysa muwaadin, buu calaa-haakadda rabaa in aad sidaas ku raacdid, kuna taageertid, saw maaha mar-kaas " Sidaan jecelahay ii yeel" iyo reer ba'aw yaa ku leh. 

* N.B Maroodigu Takarta Ku Taagan Ma Arko, Ee Ta Ka Kale Ku Taagan Buu arkaa!

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...