Madaxweyne Tanaasula Dadka La Tashada, Bulshada Ku Xidhan, Oo Ducoqaata.
Waxan Ka Doorbidnay,Muj,Wax Iska Celiya,Tiisa Haysta, Markaa Yaainnakala Badbaadin,Haddii Aan Lanaga Roonaan By M.A
Runtii Somaliland waxay halkan ku soo gaadhay,wadatashi,isku tanaasul si looga gudbo Caqabad kasta oo inala soo gudboonaata,
Maanta waxaad Moodaa in Xaaladuhu ay sidii hore ka duwanyihiin,
islamarkaasna xal loo laayahay khilaafaadka Siyaasadeed iyo ka Dhaqan
beelaha u dhexeeya, Muddadii uu xilka hayey,Madaxweyne Muuse Biixi, Dadbadan ayaa ku mashquulsan Sobobta xal loogu laayahay,khilaafaadkan dalka hadheeyey.
Dadka gaarkii waxay ku fasireen murankan in uu la xidhiidho ama daba
socdo Doorashadii Madaxtooyada Ee Ugu dambeysay,ee dalka ka
Qabsoontay,wax kasta oo sobob u ah waxay xallinta khilaafaadku u taallaa
Marba sida Talada haysa, haddii aanu nahay Beesha uu Madaxweynuhu la
soo jedi, Markii aanu kala reebaynay Beesha Dhexdeeda,labada Musharax ee tartamayey Xisbiga Kulmiye oo kala ahaa, C/casiis Maxamed Samale iyo Muuse Biixi Cabdi, Beeshu dood dheer ayey ka yeelaray xulistooda iyo kala reebista labada Musharax, Waxana lakala Qabey laba aragtiyood,
1 aragtida hore waxay odhanaysay haddii aynu rabno in aynu soo saarno
Madaxweyne Somaliland oo idil Matala,rabitaanka Somalilandna ku shaqeeya
islamarkaasna muddo xileedkiisa kaliya ku kawada oo aan wakhti
dheeraada ku Darden,markalena aan isa soo sharaxin,aynu doorano,
C/casiis Maxamed Samaale.
2- qolada kale oo aan aniga ka mid ahaa , Waxa aanu qabnay Aragti taa ka duwan, Waxanu qabnay,haddii aan rabno in aynu soo saarno Madaxweyne
Somaliland inta Ka maqan xoog ku keena,Mucaaridka dalka afka
laaba,muddo xileedkiisa kordhisan kara ,marlabaad isa soo sharaxi kara,
Termka labaad Marka uu dhammeystana,Dib ugu Celin kara Kursiga beesha
kale ee aynu Xulafada nahay, Aynu u doorano Madaxweyne Muuse Biixi.
Waxana loo batay in Muuse biixi cabdi sidaasi lagu taageero, hadaba maanta Dalka waxa ka jira kacdoono lagu diidanyahay maamulka Madaxweyne Muuse biixi,kacdoonkaasi oo ku dhiman Beelo ,jabhado,xisbiyo Qaran, Waxan u soo jeedin lahaa beelaha ,habhadaha,iyo Xisbiyada Qaranka ee Mucaaridka ku ah Xukuumadda Muuse Biixi, Haddii aanu nahay Beesha Habar awal, Haddii aanu doonayno Tanaasul.
Wadatashi,iyo gacan fidsan waxanu idil keeni lahayn Sh C/casiis
Maxamed Samale, may dhicin oo Allana Muu Qadarin,sidaas darteed, haddii
aad rabtaan In aan kala bedbaadno,idinku tanaasulka keena, waa sida kaliya ee aan maanta Dalka ku badbaadin karno, Walibana ilmaadeerayaal wixii hore taani gelin ka siiya Madaxweynaha
Wabillaahi towfiiq
By Mustafa Sh Abibaker,
Togwajale,Gabiley
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...