Balladeyntan Eeboow Ka Badbaadi Biyaha.
Maansadan waa maanso ka hadlasa xaalada bladweyn,
dadkana u sheegasa
inay u gurmadaan dadkaa fatahaada la ildaran ,oon leeyahay waxkastoo
karaankiina ah sameeye si aad wuxuu u gaadhsiisaan akhris
Balladweyntu bulshooy
Ballad weeyi wacanoo
Baaxadiisu weyntahay
Badariyo galliyo
Beerooyin badanbaa
Ka baxaayay bari horee
badhtamaha soomaaliyiyo
hiiraanbay ku beegnayd
Barigan la joogana
Biyihii maraayaa
Dhamaantiis butaacoo
Bulshadii idlaatee
Waa kuwan dabaashee
Badbaada u baahanee
Dadyohow baraarugoo
Ruuxa haya bariis
Shilin buuran kollay tahay
Ama bustaayaal laftiisa
Ula baxa lilaahiyoow
U baratama dhankooga
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...


0 





