"Guddoomiyaha Baanku Waxa uu Faro-xumeeyay Xoghayntii Xafiiskiisa Kadibna Hoos Ahaan Ayuu Umehersaday"

Thursday October 31, 2019 - 09:47:14 in News by A. Asbaro
  • Visits: 5189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Guddoomiyaha Baanku Waxa uu Faro-xumeeyay Xoghayntii Xafiiskiisa Kadibna Hoos Ahaan Ayuu Umehersaday"

    "Guddoomiyaha Baanku Waxa uu Faro-xumeeyay Xoghayntii Xafiiskiisa joogtay" Qoraa Cabdiraxmaan Shootali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Guddoomiyaha Baanku Waxa uu Faro-xumeeyay Xoghayntii Xafiiskiisa joogtay" Qoraa Cabdiraxmaan Shootali

Hargaysa(HWN):-Qoraaga caanka ah ee Cabdiraxmaan Shootali oo inta badan falanqeeya arrimaha ka jira jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxa uu ka hadlay Caddaadis iyo dulmi uu guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland uu ku hayo Shaqaalihiisa.



Sidoo kale, Qoraagga Cabdiraxmaan Shootali oo u waramaayay Warbaahinta Hadhwanaagnews, waxa uu sheegay in Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Mr. Cali Ibraahim jaamac (Cali Baqdaadi), uu faro Xumeeyay gabadhii yarrayd ee Xafiiskiisa joogtay, waxaannu ku tilmaamay Masuul ka arradan dhaqanka iyo Suubban, isla markaanna waxa uu caddeeyay in Inantii ay joogto guriga Guddoomiye Baqdaadi, hawshanna si hoose loo dhamaynaayo, balse waannu sheegay oo qarin mayno ninkaas wayn Masuulka sheegannaayo ee haddana Nabadgelin waayay Xoghayntii Xafiiskiisa joogtay ee Faro-xumeeyay.


"Maamulkan labadda Kornayl Waa Kaahin iyo Muusee iyagaa ka danbeeya Xadhiga Suxufiyiinta, Xadhiga shacabka masaakiinta ah ee boobka baahsan lagu hayo, dulmiga iyo caddaalad-daradda ka jirta Somaliland ee looga wada yaacay Xamar waa taladdii labaddaas Kornayl ee Muuse iyo Kaahin” Ayuu yidhi Qorraa Cabdiraxmaan Shootali.


Sidoo kale, Qoraaga Cabdiraxmaan Shootali isagoo ka hadlaaya gabadha yar ee faro-xummeeyay guddoomiyaha Baanka Somaliland Cali Baqdaadi, waxa uu yidhi "Horta ninkani caddaadis iyo dulmi ayuu ku hayaa Shaqaalaha Baanka dhexe, qaar buu Shaqadda ka eryay, kuwanna lacag ayuu siiyaa oo isaga si gaar ah ugu shaqeeya, hadda waxa dhacday inuu Faro-xumeeyay Xoghayntiisii xafiiska la joogtay, oo arrintaas imika niman odayaal ahi si hoose ugu jiraan, waa ruux aan dhaqan iyo asluubtoonna lahayn.”


Muqdisho, Somaaliya

Hadhwanaagnews,Office

Loading...
Loading...