Kooxda Leicester City Oo Jabisay Rikoodh U Yaalay Horyaalka Premier League
Leicester City ayaa barbareysay rikoodhka guushii ugu weyneyd ee taariikhda Premier League iyagoo 10 xiddig oo Southampton ah ku xasuuqay 9-0 ciyaar ka dhacday garoonka St Mary's Stadium.
Leicester City ayaa guushaan taariikhiga ah ku soo gashay kaalinta labaad ee kala sareynta horyaalka Ingariiska.
Ben Chilwell ayaa goolasha u furay Leicester City laakiin xaalada Southampton ayaa xumaatay markii uu casaan toos ah qaatay daafacooda Ryan Bertrand daqiiqadii 12aad ee ciyaarta.
Wixii markaas ka danbeysay Leicester City waxa ay geysatay xasuuq aan loo meel dawyin.
Ayoze Perez iyo Jamie Vardy ayaa mid walba waxa uu dhaliyay seddexleey halka Youri Tielemans iyo James Maddison ay iyagana shabaqa soo taabteen.
Man City: 29 gool
Leicester: 25 gool
Barcelona: 23 gool
Bayern Munich: 22 gool
Leicester City ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee horyaalka Ingariiska ee guushii weyneyd ku soo gaarta garoon marti ah, madaama ay 9-0 ku badiyeen iyagoo marti ku ah garoonka St Mary's Stadium.
Leicester ayaa noqotay kooxda kaliya ee labaad ee taariikhda Premier League ay labo ciyaaryahan min seddexleey u kala dhaliyeen (Perez iyo Vardy) ka dib markii ay Arsenal sidaasi sameysay bishii May 2003 markaasoo Pennant iyo Pires ay sidoo kale ka dhaliyeen Southampton.
Leicester City waxa ay barbareysay rikoodhka guushii ugu weyneyd taariikhda Premier League oo ay hore u heysay Manchester United kuwaasoo 9-0 kaga badiyay kooxda Ipswich bishii March sannadkii 1995.