Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Baaqyo Ukala Diray Xukuumada Iyo Ganacsatada.

0
Wednesday October 30, 2019 - 18:45:18 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3313
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Baaqyo Ukala Diray Xukuumada Iyo Ganacsatada.

    Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane' C/raxmaan Maxamed C/laahi "Cirro"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane' C/raxmaan Maxamed C/laahi "Cirro"

ayaa maanta ka qeyb galay Munaasibad ballaadhan oo Shirkadda Sompower ku qabatay Magaaladda Hargeysa. Munaasibadan oo lagu soo daah-furayey Mashruuca tamarta laydhka ee laga dhaliyo cad-ceeda oo ku kacay lacag dhan 20 Malyan Oo dollar ayaa hadal u ka jeediyey guddoomiyuhu ku sheegay kaalinta ay ganacsadu ugu jirto horumarka dalka.



Guddomiyaha ayaa yidhi: "Ganacsatadu waa laf-dhabarta horumarka dalka, waa in ay danyarta illaaliyaan iyagana waa iney xukumaddu illaaliso,"


Guddoomiayaha ayaa sidoo kale sheegay mihiimada u qaranka u leeyahay mashruucan lacagta badan ku kacay isagoo sheegay sidoo kale inu kamid yahay macaamisha Shirkadda Sompower bil Guddoomiyaha ayaa u hadlay dadka shacabka ah isago yidhi: Waa mihiim in qiimo dhimis weyn loo sameeyo shacabka oo runti duruufo badan haystaan ugu dambeyntiina waxa uu guddoomiyuhu bogaadiyaha guulaha ganacsi ee dalka iyo siday ganacsatadu qarankan u Aamineen.


Waaxda War-faafinta Xisbiga WADDANI.


Loading...
Loading...