'' Sucaad Dr Buux ''.

0
Wednesday October 30, 2019 - 17:16:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2446
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Sucaad Dr Buux ''.

    Sucaad Xuseen Nuur oo ku magac dheerayd Sucaad Dr Buux ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sucaad Xuseen Nuur oo ku magac dheerayd Sucaad Dr Buux ,

waxaanu isku ahayn ciyaalo malcaamad , malcaamaddii aw jaamac ee xaafadda xidigta ee Magaaladda Hargaysa , malcaamadaas oo aanu ku wada jiray dad badan oo ay ka midda qaybaha bulshadda ee kala duwan , kuwaasoo aan ka xusi karro , Maayar xigeenka Hargaysa iyo qaar kaloo badan .


Mar kale waxaanu isku ahayn ardaydii laggu bilaabay dugsigga hoose dhexe ee maxamuud axmed waagii wadanka dib loogu soo noqday 1991 .



Mar kale waxaanu isku ahayn isku fasal , dugsigii hoose dhexe ee sheekh cali cismaan ( Riis) kaasoo aanu kasoo wada baxnay .


Mar kale waxaanu isku ahayn dugsigii sarre ee Maxamuud Axmed Cali oo aanu isku lod ahayn iyada iyo asxaab kale oo badan .


Mar kale jaamacadda Hargaysa Kuliyadda sharciga iyo shaqaddaba waanu isugu nimi , ilaa ay wadanka ka dhoofaysayna waanu wada joognay .

Ugu danbayn Marxuumad sucaad maanta ayay ifka ka hayaantay una hayaantay hoyga Aakhiro ee lama huraanka ah . Geerida naxdinta leh ee ku timidna waa mid aad uga nixisay intii taqaanay , anigana qalbigayga xoog u taabatay igana oohisay .


Marxuumaddu qof aad uwanaagsan , af-gaaban , xishood badan oo edeb leh ayay ahayd , 30 sanadood oo aanu rafiiq ahayna waligay kuma arkin waxaan wanaag ahayn .

Qoyskii ay ka baxday oo aanu dhamaantood is wada garanayno , asxaabtii iyo guud ahaan idilkeen samir iyo iimaan alle ha inaga siiyo .

Inaalilaah wa inaa ilayhi raajucuun .


W/Q: Axmed Nuur Guruje.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...