Kadiyihii Guusha Rayidka Tuunis. Q/2aad. Qalinkii: Axmad Cali Kaahin.
sagaalkii sanadood ee u dambeeyay, waxay qaabaysay fahamka dadka dalkaasi iyo sida ay u wajahayaan siyaasiyiinta kala duwan kuna loo lama xukuna iyo hogaaminta mudada dheer ee qadiimka ah.
Xaalad kasta oo dal
kaasi maro waxay bislaysay fahamka iyo garaadka bulshadaa oo markii hore ba
ahayd bulsho xaga aqoonta marka la eego ka yar saraysa dunida carabta intooda
badan. Taasina waa ta keentay in musharax bulshada rayidka kasoo jeedaa ka soo
dhex mudho dhamaan tartamayaashii xisbiyada waawayni soo sharaxeen kuwaas oo
saaxada mudo madaxa kaga duubnaa.
Is badalka maskaxeed
ee bulshada Tuunis is kama iman oo may ahayn dhacdo is ka dhacday, sidii
kacaankii madaxwaynihii dalkaa xukunka lagaga tuuray. balse waddo dheer iyo
marxalado kala duwan bay u soo mareen oo qalafsanaa, kuwaas oo khatar galiyay
dadka iyo dalkaasi.
Khataraha dalkaasi
waajahay waxa udub dhexaad u ahaa xukun maroorsi iyo xafiiltan siyaasadee oo
rogay waddamadii carbeed ee dabayshii kacaanku martay. loo lamada ka dhex jiray
dhinacyada ka baayac mushtareeya siyaasada waa masiibooyinka halaaga
bulshooyinka, haddii aan si xikmad iyo caqliya loo xalin jaanisna lasiiyo
Caadifada jahligu hogaamiyo. Xibiyada qaarkood waxay danahooda ka raadinayay
arrimo halis ku ah qarankaasi. Iyo dilaalista dhiiga umadaha waxa socdana waa
markhaati.
Balse dadka reer
tuunis jaanis bay siiyeen badi kooxahaas, dhawr jeer na hogaaminta waxa qabtay
dhinacyo kala duwan oo ka soo kala jeeda xisbiyo kala duwan oo kali ku ahaa
masraxa siyaasada dalkaasi, iyo qaar badan oo qurbo joog dibad wareeg ahaan
jiray dawladii hore.
Bulshadani waxay la
soo noolaatay xaaladahaas oo dhan marna may keenin in dhiigooda uu dilaalo nin
dan lihi.
wixii xaalado soo
mareen sideedaa sanadood, waxay ahayd waxbarasho iyo odoros miisaaman iyo
duruus iyo waxbarasho iyo tijaabooyin nolosha ah mustaqbalkana lagu waajaho
Halka ay muujiyeen
qaangaadhnimo iyo bisayl nololeed, halka ay god dheer ku aaseen caafada madhan
ee jahligu hogaamiyo siyaasi danlihina ku gabraarto. waxa umadaha dila
sida, kooxaysi, qof jeclaysi, qaybsanaanta madaahibta, is riix dhinaca
qoomiyadaha iyo qabiilooyinka. taasi oo siyaasiyiintu istaadhaan
markay kursiga rabaan. Marka dambana dambarsato kuwii u gumoobay
una godoboobay.
Tijaabadan
siyaasadeed waxay dhashay in qof bulsahadooda kamid ahi ugu dambayntii doortaan
kana fogaadaan isku dhacyo siyaasadeed oo daba dheeraada. Waana guusha ugu wayn
ee bulshadaasi gaadhay.
Hubka kaliya ee ay
kaga adkaadeen waa aqoonta bulshadaasi lahayd taasi oo u
suurta galin waydya in sida waddamada Carbeed ee kale is cunaan dadkii walaalaha
ahaa mudada dheer taasi oo wax dhibaato ahi hore u dhex oolin, kaliya
nin dan lihi awrkiisa ku kicistay meel kasta ha joogee.
Guusha kale ee ay
reer Tuunis gaadheen waa in qamaamuurtii ku gaamurtay siyaasada intay jaanis
hogaamineed siiyeen tuseen awoodooda wax ka qabashada adeegyada bulshada, taasi
oo badi lagu hungoobay. Waxayna taasi keentay in laga ilbaxo harawsigii
siyaasiyiinta guunka ah loona guuro garoomo kale oo ka hawo fiican kuwaasi lagu
hungoobay.
Guusha labaad ay
gaadheen waxa ay tahay in bulshada iyo siyaasiyiintu is barteen,
xalkiina aakhirkii uu noqday in qof caadiya uu wareegii 2aad ee saddexda
musharax uu 70% codadkii dadka ree Tuunis uu helay Qays Saciid oo
qof caadiya shacabku doortaan.
Guusha saddexaad waa
in saaxada siyaasadeed laga saaray siyasiyiintii qadiimka ahaa si xikmad iyo
ilbaxnimo leh. Waayo ma doodi karaan siyaasiyiintii hore, jaanis baa la siiayay
wax bana may soo kordhin, hadda bulshada reer tuunis way ka koreen harawsiga
siyaasiyiinta,
Maanta kuwii wax
harawsan jiray baa hadda haa waddada laga saaray, oo awoodii ay lahaayeen
arkay. In shacabkii oo midiysan go’aamiyeen masiirkooda nololeed
halkay ku aaminayaan, Shacabka reer Tuunis way hadleen.
In madaxwaynaha la
doortay ee Qays saciid uu mucjiso noqdaa muhim maaha, ta ugu wayni waa in
dhabihii siyaasadeed ee hore dalku ka baydhay, jiho cusuna cagta saaray taasi
oo dariiq cusub oo siyaasadeeda u jeexi doonta dalkaasi ama halgu barwaaqoobo
ama ha lagu hungoobee waa tijaabo ka duwan qaaciidooyinkii hore.
Faaiidada ugu wayni
waa in bulshadu wakhti nasasho ah maskaxahoodu ka galayaan siyaasiyiintii hore
ee shaashadaha mudada dheer haystay. Guusha ugu wayni waa taa iyo in rajo cusub
shacabka iyo qaaciido cusub oo dabka saran. Waxa xiga qaybta 3aad idamka Alle
Subxaanah.
Qalinkii Axmed
Cali Kaahin Axmad Cali Kaahin.
HA HILMAAMIN XUSKA RABI.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





