Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Guurtida Oo Digniino U Diray Shacabka Somaliland

0
Wednesday October 30, 2019 - 14:25:22 in News by
  • Visits: 3143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Guurtida Oo Digniino U Diray Shacabka Somaliland

    Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Guurtida Oo Digniino U Diray Shacabka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Guurtida Oo Digniino U Diray Shacabka Somaliland


Hargeysa(HWN):-Xildhibaan Mubaarig Axmed Jaamac, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan Komishanka cusub, Doorashada, xaalada nabadgalyo ee dalka, talooyina u soo jeediyey guud ahaan Shacabka reer Somaliland.



Xildhibaan Mubaarig Axmed Jaamac, oo u waramayWargeyska Geeska Afrikaayaa ugu horeyn yidhi "Doorashadii ilaa hadda hawsheedii looma dhaqaaqin, Komishankii wali si rasmiya looma sameeynin, oo waa taas ilaa hadda la isku haysto, markaas si aynu uga badbaadno muran iyo khilaaf joogta ah waa in wax walba oo la isku qabto lla iskaga yimaada, oo dariiqa ugu saxsan lagu xaliya, wax walba oo la kala tabanayana waa in sifo sharciya loo mara, oo sharciga lagu saleeya”.



Mar uu ka hadlaayey xaalada nabadgalyo ee dalka ayaa yidhi "Dal curdina ayeynu nahay, inaynu muujino isku duubni iyo wada jir ayaa la inaga doonaya, balse inaynu tafaraaruq la nimaadno la inagama doonayo, markaas Shacabka waxaan leeyahay iska ilaaliya in qablyaada la idinku kala qaybiyo, ee dhammaanteen waxaynu ku wada abtirsanaa qaranimada Somaliland”.

Loading...
Loading...