Xulka Qatar Oo Ku Guulaystay Koobkii Qaarada Aasiya Iyo Tirada Goolal Ay Ku Garaaceen Japan

0
Friday February 01, 2019 - 17:00:33 in Highlights by Super Admin
  • Visits: 1064
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka Qatar Oo Ku Guulaystay Koobkii Qaarada Aasiya Iyo Tirada Goolal Ay Ku Garaaceen Japan

    Wadanka Qatar ayaa ku guulaystay koobkii wadamada qaarada Asia oo ka socday dalka Imaaraadka carabta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Qatar ayaa ku guulaystay koobkii wadamada qaarada Asia oo ka socday dalka Imaaraadka carabta.
Xulka kubada cagta ee dalka Qatar ayaa ciyaartii ugu dambaysay ee tartankan guul muhiim ah ka gaadhay wadanka Japan, iyada oo kaga talaabsatay sadex gool iyo hal.

Daqiiqadii 12 ee qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ciyaaryahanka Almoez Ali waxa uu wadanka Qatar u dhaliyey goolka koowaad, halka uu daqiiqaadii 27aad ee isla qaybtii hore-na uu goolka labaad raaciyey Abdulaziz Hatem, taas oo keentay in qaybtii hore ee ciyaarta lagu kala nasto laba gool iyo hal.


Markii laysku oo noqday qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa xulka dalka Japan waxay la yimaadeen gool uu daqiiqadii 81aad u dhaliyey Maya Yoshida, balse xulka Qatar ayaa helay kubad laadka xorta ah loo dhigay ka dib markii ay kubada cagta kaga dhacday mid ka mid ah difaacyahanada xulka Japan, kaas oo uu gool u badalay weeraryahanka Akram Afif.

Xulka qaranka Qatar ayaa noqonaya horyaalka kubada cagta ee qaarada Asia, isaga mudadii lagu guda jiray tartankana ka soo adkaaday xulalka wadamada Sucudiga iyo Imaaraadka oo ay siyaasada isku hayaan.
Loading...
Loading...