Maandhaw Ma ku adkaaday Kuwii lahaa Doorta waa Nin Adage!!!?W/Q Ayuub Yuusuf Ciise Talaabo

0
Wednesday October 30, 2019 - 08:00:20 in Articles by
  • Visits: 1721
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maandhaw Ma ku adkaaday Kuwii lahaa Doorta waa Nin Adage!!!?W/Q Ayuub Yuusuf Ciise Talaabo

    Maandhaw Ma ku adkaaday Kuwii lahaa Doorta waa Nin Adage!!!?W/Q Ayuub Yuusuf Ciise Talaabo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maandhaw Ma ku adkaaday Kuwii lahaa Doorta waa Nin Adage!!!?W/Q Ayuub Yuusuf Ciise Talaabo


maalmihii ololaha ee muusahan maanta talinaya ayaa xubno koban mawle ka dhawaajiyey dooro hogamiye adag.

Image may contain: 1 person, sunglasses, beard, closeup and outdoor


waxaynu soo gudbinaynaa 5 kamida qoloadii rabbi ka yeedhsiiyey ee iyaga uu dib uga adkaaday


1.qoladii xididka ahayeen ee ku dhawaa beerta uu xaqdarada kaga qaaday marxuumka caawa mootanee godka usii fadhiya waa CISMAAN DACASE,ayaa ku taageray si indha la'aan ah iyagoo ku dhwaaqayey dooro nin adag,markii uu talada salka ku balaadhiyey ayuu xagay ka xigtay beerta inta badan xididku eegayeen u jeestay oo iyagii la jaarka ahaa buu durba ooda ku baladhsaday. jaqaaq,baqaaq,tiknikaa lanoo adeegsanayaa, awoodi dawladaa lanagu boobayaayeey iyo tawaawac ay soo raacdo tol baanu nahay,xidid baanu nahay iyo ergo caantayna wuxuu wadaba ka qaad hadhcadna sidii caadada ahayd ka dareeri ALLAYLAHEE MA KU ADKAADAY KUWII LAHAA NIN ADAG NOO DOORA?!!!


2. dhacdada labaad waxay tahay INA XASAN DALAB waa xaajiga dhulka madaxtooyada leh ee cabashadiisu goor iyo layl joogtada ka ahayd tvyada iyo joornalada hada qaybi xidhantay, waa dadkii sida xooga ah ugu ololeeyey ee guriga subeeriyada iyo majliska xasan xaydh dadka uga xantoobin jirey xukunkan la eeday labadiisi sano ee ugu horaysay, kana mid ahaayeen ereyadiisu ninku waa nin adag.


wuxuu ula tegay mulkiyada isagoo u sheegay inuu ka iibsado markkuu ka furfuro qolo ay odayga isku haybyihiin oo dhinac kaga dheganaa dhulka, waase muuso markuu kursiga fuulay sidii u caadada ahayd ku xeji buuqi iyo qayladii kana qaad siduu hore ugu caano maalay dharaarihii soo jireenka ahaa iyaduna iska dentay siday kuwii horeba dambaska u noqdeen.


A KU ADKAADAY KUWII LAHAA DOORO NIN ADAG?!!!


3.dhacdada sadexaad waa dhulka hada ay taagantahay dhiiladiisu ee buurta kala jeexan, waa dadkuu ISMAIL YARE inoo sheegayay ee inay shalay isaga kula dagaalameen waliba jugo ku dhufteen maalintii codaynta iyagoo u tirinaya inuu ninkii adkaa ka leexday una janjeedhsamay nin jilicsanaa.


iyagana waynu aragnaa maanta caadna inagama saarna inuu xaqoodu u quusayo sidii qoysaskii hore.


ISKA MAAGI MAAYE MA KU ADKAADAY KUWII LAHA DOORTA NIN ADAG?!!!!


4.dhacdada 4aadna waa macalinkan maalmahan isagana sidii caadada ahayd shaashada la taagan baloodhka, waxa isna laga hayaa inuu wakhtigii ololaha si kaftana loogu yidhi macalin waa xagee codkaagu uu ku jawaabay?


anigu muusaan ciyaalkiisa iyo kuwuu abtiga u yahayba garanayaa oo wax u dhigay ee maba grnyo cirro iyo caruurtiisa, ee bi'i waaye ninkaa adag ii doora.


anigoo aad uga xun dhacdada macalinka hadana macalin adiga sidaasay kaaga khafiifiyeen oo baloodh kaa taabteen, dadka beera laga dhacayee. markaa wad haysaa abaalkii..


MAANDHAW MA KU ADKAADAY KUWII LAHAA II DOORA NIN ADAG?!!!!


5.dhacdada 5aad waxaynu kusoo qaadaynaa ninkii lahaa ereygan lagu hoogay ee caawa ay dhibanaha u yihiin in ka badan nus-malyuunka baloodhada ahi.


sxbkayMaxamed Abiiboo isagana labo digreeto oo isku xiga midna lagu magcaabay midna lagu eryey, caawa waxa ina wada haysa dabaysha is bedel doonka oo isagaaba safka hore inaga xiga.

MARAA-WAAXID MAKU ADKAADAY KUWII LAHA IIDORA NIN ADAG?!!!


QalinkiiAyuub Talaabo


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...