Ujeedo: Mahadnaq Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Cabdiraxmaan Saylici.

0
Wednesday October 30, 2019 - 07:52:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1375
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedo: Mahadnaq Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Cabdiraxmaan Saylici.

    Bulshada Gobalada Bari Ee Somaliland waxay Mahadnaq Iyo Duco u Dirayaan Madaxwayne Kuxigeenka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bulshada Gobalada Bari Ee Somaliland waxay Mahadnaq Iyo Duco u Dirayaan Madaxwayne Kuxigeenka Somaliland
 Mudane Cabdiraxmaan Saylici.
 

        Magalada Ceerigaabo ee caasimada Gobalka Sanaag ahna Casimada 3aad ee Jamhuriyada Somaliland oo mahmiyad wayn u leh qaranka Somaliland balse meel duruqsan oo ay kaga taalo wadanka mudana ahayd wado la'aan loo maro wallow ay maanta wadadii Ceerigaabo sanaag iyo dalka intiisa kale isku xidhaysay ay socoto oo gacanta lagu hayo ayaa hadana Magaalada Ceerigaabo iyo guud ahaan gobalka Sanaag waxay baahi wayn u qabeen mashaariic horumarineed iyo maalgashi.


     Gobalka Sanaag wuxuu wax badan oo uu xaq u lahaa ku waayay wado la'aan iyo fogaan balse waxaa wali la dareemin fogaantu in at tahay mid kamid ah Arimaha uu gobalka Sanaag ku helay qiimaha iyo mahmiyada wayn ee uu dalka u leeyahay maadaamo baaxadaa wayn ee uu ku fadhiyo tahay waxa u qaalisan ee wadan uu leeyahay.

       Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wuxuu gobalka Sanaag ku leeyahay abaal badan oo la koobi karin. Wallow wax walboo uu u qabtay tahay waajibaadkiisa qaran hadana ka shacabka Sanaag ahaan intaa waanu ku amaanaynaa waana wanaag iyo abaal aanu u hayno.

     . Mudnaanta koowaad ee wanaaga ay ree wanaag u hayaan ayaa ah kaalintii muga iyo miisaanka lahayn ee uu ka qaatay nabadaynta Gobalka Sanaag gaar ahaan colaadahihii dhibaha ba'an la iskugu gaystay  oo inta uu ahaa gudoonka dhexdhexaadinta Beelaha walaalaha ahaa in uu ka gaadhay guul iskunasoo dhaweeyay beelihii walaalaha ahaa Gobalka iyo qarankuna dareemeen sida loogasoo raysanayo xanuunki iyo boogtii uu dagaalkaasi inagu lahaa.

    . Gobalka Sanaag waxay kawada dharagsan yihiin kaalinta Madaxwayne Kuxigeenka Somaliland uu ku lahaa hirgalintii Jidka Ceerigaabo oo uu deddaal badan u galay sidii Jidka loo dhisi lahaa isagoo hore kaalin ugasoo qaatay in Xisbiga Kulmiye uu doorashadii hore ku daro barnaamijkiisa wadadaa Ceerigaabo.

    . Mudane Cabdiraxmaan Saylici wuxu maanta hirgaliyay halgan uu in badan ugu jiray sidii magaalooyinka bariga loo gaadhsiin lahaa mashruuca horumarineed ee maamul daadejinta JPLG isagoo maanta Shir Sadex bilodka mashruucan oo uu hogaaminayay lagu shaaciyay in Ceerigaabo iyo Laascaanod kamid noqonayaan magaalooyinka uu ka shaeeyo mashruucan JPLG-ga.

     Arintan u danbaysa ayaa kamida maanta ay ree Ceerigaabo ku mahadinayaan uguna ducaynayaan Madaxwayne Kuxigeenka SL Mudane Cabdiraxmaan Saylici oo abaalka ay u hayaan aanay halkan kusoo koobi karin.

      Sikaste ha ahaatee, maanta mida ugu wayn ee bulshada Sanaag ka codsanayaan Madaxwayne Kuxigeenka JSL Cabdiraxmaan Saylici ayaa ah in uu dhiirigaliyo sidii ganacsada iyo shirkadaha  Gudaha iyo wadamada kale u maal-gashan lahaayeen deegaanada Gobalka wanaag iyo wax-soosaarka khayraadka balaadhan ee Gobalka Sanaag uu caanka ku yahay.

     Bulsho wanaaga way isku matali karta aniguna qoraalkan waxaan ku metalayaa bulshada anigoo qoraya dareenka guud ee bulshadu qabto ama ka sheekaysanayso.

Tixraac:  Xigasho xogta mashruuca JPLG.
Xigasho: Xafiiska Afhayeenka Madaxwaynaha 


Saalax Siciid (Saalixi)
Magaalada Ceerigaabo 
 
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...