Dawlada Soomaaliya Maxay Kaga Jawaabtay Gadoodka Ay Ciidamadu Samaynayeen Ee Mushahar La,aanta

0
Friday March 22, 2019 - 17:09:40 in News by
  • Visits: 1561
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Maxay Kaga Jawaabtay Gadoodka Ay Ciidamadu Samaynayeen Ee Mushahar La,aanta

    Dawlada Soomaaliya Maxay Kaga Jawaabtay Gadoodka Ay Ciidamadu Samaynayeen Ee Mushahar La,aanta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Maxay Kaga Jawaabtay Gadoodka Ay Ciidamadu Samaynayeen Ee Mushahar La,aanta

Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa ka hadashay gadoodka ay samaynayaan ciidamada xooga dalku.



Wasiirka gaashaandhiga dawlada soomaaliya Xasan Cali Maxamed oo ka hadlay cabashada ciidamada ee ku saabsan mushahar la,aanta ayaa shaaciyey inaan xukuumadu marna raali ka noqon doonin dulmi lagu sameeyo ciidamada.



Wasiirka gaashaandhiga soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa xusay in dawladu ay maqlayso cabashada ay qabaan ciidamadu balse looga baahan yahay inay mar kasta soo maraan nidaamka saxda ah.


Wasiirka gaashaandhiga soomaaliya oo ka hadlaya cabashada ciidamada ayaa waxa uu yidhi "Aniga oo ah wasiirka gaashaandhigu marna raali ka noqon maayo in la dulmiyo ciidamada xooga dalka ama qof muwaadin ah oo soomaaliyeed balse waxa loo baahan yahay in ciidamadu ay ilaaliyaan nidaamka iyo waajibaadka u dajisan dalka.”


Wasiir Xasan Cali Maxamed oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey " Tabasho way iman kartaa balse waxa la doonayaa in tabashada lagu soo bandhigo meesha ay leedahay, askariguna waxa uu leeyahay taliye qayb, taliye urur iyo taliyaha ciidanka xooga dalka wixii tabasho ah ee jirtana waa in hab qoraal nidaamka sharciga ah loo marayo loo soo gudbiyaa.”


Wali waxa wadanka soomaaliya ka taagan gadood ay sameeyeen ciidamo ka tirsan kuwa xooga dalka iyaga oo ka cabanaya mushahar la,aan soo foodsaartay, taas oo keentay inay ka soo baxaan goobo ay difaac kaga jireen oo muqdisho ka baxsan.


Ciidamadn ayaa sheegay in aysan marnaba dib ugu laaban doonin agaggii iyo deegaannadii ay ka soo baxeen ilaa la xalinayo tabashadooda ah in ay helaan xuquuqda ka maqan.


Hadhwanaagnews.com

Loading...
Loading...