' Waxaan La Jiraa Reer Baladwayene''. W/Q: Ahmed Nour Guruje

0
Wednesday October 30, 2019 - 07:44:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1470
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ' Waxaan La Jiraa Reer Baladwayene''. W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Magaaladda Balad-wayne oo ah magaalo ku taala webigga shabeele ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaaladda Balad-wayne oo ah magaalo ku taala webigga shabeele , ahna xarunta Gobolka Hiiraan ee Wadanka Soomaaliya ayay soo gaadhay khasaare naf iyo maalba isugu jirra oo ay sababeen fatahaadaha webiggu .

 

Magaaladaas Balad-wayne , waa Magaaladdii Aabahay shaqadda ka bilaabay markii uu Jaamacadda kasoo qalin jebiyey , waxaanu iiga sheekeeyey sheekooyin badan oo wanaagsan oo ku saabsan magaaladaas .

 

Waagii Aabahay macalinka ka ahaa Dugsigga sarre ee Baladwayne , waxaa isna joogay 2 xidigle Saleebaan jaamac magan oo haystay ciidanka daraawiishta , Kabtan Ibraahin koodbuur , 2 Xidigle Rooble timir dhamaantoodbaalle ha u naxariistee ,waxa kale oo isna joogay Oday Barre Nuux xaaji c/laahi ( Barre laangadhe) oo ahaa Xogahaya dawladda hoose ee Beledwayne waagaas . dhamaantood dadkaasna aabahay ayay saaxiib ahaayeen .

 

Hoteelka magaaladda ugu shidan waxaa isgana haystay Jaamac iimaan oo ka tirsanaan jirey golihii horre ee deegaanka Hargaysa , Magaaladana waxaa jaadka keeni jirey gurey soomane oo dhawaan ku geeriyooday jigjiga alle ha u naxariistee , halkaasna waxaad ka garanaysaa soo dhawanta iyo sharafta reer Baladwayne

 

Sidaa awgeed , reer baladwayne waxaan ka tacsiyeynayaa waxyeeladda soo gaadhay ,waxaanan ilaahay ka baryayaa in uu dhibkaas ka dulqaado , ugu danbayn Reer Balad-wayne ayaan la jiraa .

 

W/Q: Ahmed Nour Guruje


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...