Kuuriyada Waqooyi Oo Joojisay Xafiis Ay Ka Wada Xidhiidhi Jireen Kuuriyada Koonfureed

0
Friday March 22, 2019 - 17:08:01 in News by
  • Visits: 1583
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kuuriyada Waqooyi Oo Joojisay Xafiis Ay Ka Wada Xidhiidhi Jireen Kuuriyada Koonfureed

    Kuuriyada Waqooyi Oo Joojisay Xafiis Ay Ka Wada Xidhiidhi Jireen Kuuriyada Koonfureed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kuuriyada Waqooyi Oo Joojisay Xafiis Ay Ka Wada Xidhiidhi Jireen Kuuriyada Koonfureed


Kuuriyada Waqooyi ayaa joojisay xafiis ay labada dal ku xiriiri jireen oo albaabada loo furay sannadkii hore ka dib markii uu soo hagaagay calaaqaadka labada dal, ujeedada laga lahaa ayaana ahayd in xafiiskani uu fududeeyo wadahadallada labada Kuuriya.




Seoul ayaa sheegtay in Jimcihii lala soo xiriiray laguna war galiyay in shaqaalaha Kuuriyada Waqooyi ay ka baxayaan xafiiska galinka dambe ee maanta.


Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in ay ka xuntahay go’aankaas waxayna ku baaqday in shaqaalaha Kuuriyada Waqooyi ay u soo laabtaan sida ugu macquulsan ee ugu dhakhso badan.


Xafiiskan oo ku yaalla xadka milatariga ka caagan ee dhanka Kuuriyada Waqooyi ayaa saamaxayay in masuuliyiinta Kuuriyada Waqooyi iyo kuwa Kuuriyada Koonfureed ay si joogto ah u xiriiraan markii u horraysay tan iyo dagaalkii Kuuriya. Dal kastana waxaa xafiiskaas uga shaqaynayay 20 ruux.


Laura Bicker oo ah wariyaha BBC-da ee ku sugan Seoul ayaa sheegtay in madaxweynaha Kuuriya Koofureed Moon Jae-in uu rajaynayay in xiririirka dublamaasiyadeed ee dhex maray Kuuriyada Waqooyi iyo Maraykanka uu cago adag ku taagan yahay. Balse waxay u muuqataa in Pyongyang aysan sidaas dareemayn.




Source:-BBCsomali

Loading...
Loading...