Waddani Oo Galay Dayn Iyo Dhaqaale Xumo Qore Mukhtar Cilmi

0
Tuesday October 29, 2019 - 14:20:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1563
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddani Oo Galay Dayn Iyo Dhaqaale Xumo Qore Mukhtar Cilmi

    Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaato..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaato..

Waxaan raba maanta aan iftimiyo xaalada guud ee dhaqaalyeed ee xisbiga WADDANI oo haatan marayo marxaladii ugu xumayd ,waxaana iclaaminaya in u xisbigii dhamaa u dayn galaxy! Waxaana taas shaaciyay in u burbur dhaqaaleed dhacay hantidhawraha xassan xuseen wakhtigii shirkii golaha dhaxe Burco lagu qabtay... Sheegayna gacanta waynayd ee uu ku tiirsanaa xisbigu uu ahaa qaadhaanka qurbajooga Xisbiga taageera, balse dhaqaalihii ay xisbiga ay siinjireen uu istaagay Xisbiga laga joojiyay ,,qurbajooga Waddani ayaa xisbiga sanadkii ku taageerijiray lacag hal milyan oo dolar kudhaw balse sanadkan 10,000 oo dolar oo keliya laga hayo. Sida Siyaasi Codyare shirka ucadeeyay...Hadaba maxa sabab u ah xaalada u galay waddani !!!??.



Xisbigan waxa naafeeyay xubno ila haatan Ku jira oo jaqay si xad aan lahayen, waxana sii dilay xisbigan qaybta warfaafinta oo dad badane ka macaasheyn wakhtigii kaambaynkii doorashadda ,iyo madaxdii gobolada oo liqay lacagihii taageeryaasha,iyo tii muraaqibiinta oo goobo farabadan dalka laga waayay waddani muraaqibiintiisi oo laga shubtay codadkii, iyo niyad jabkii natiijadda iyo siyaasad xumada liidata ee xisbiga imika haatan oo isticmaalo,iyo koox magafayaal ah oo hataan haysata xisbiga oo ay kagaga baxsadayn xubno sida faadumo siciid ibraahin !.....waxaas udhan aya sabab u ah dhaqale xumida oo la tiicayo waddani . tusaale wakhtigii doorashadda ayay ahayd mar la baahiyey Cod sir ah oo laga helay Haweenay ka mid ah Garabka Haweenka ee Xisbiga WADDANI, taasi oo ku ooyeysa in dhaqaale daro soo waajahday Xisbiga isla-markaana $ 10.000 doollar oo keliya ugu jirto Akoonka!!, taasuna waxay na tusaysay in xisbigu ka liito dhanka maamulida maaliyedeed oo kooxo d ka tirsan xisbiga durba Ku bixiyaan talooyin madhalays ah iyo hawlo lagu cuno lacagaha.. Taasna qurbajoogi waddani ay u noqotay cashar oo la laabtayn jiibkoodii ay bixin jirin!...


Xisbiga waxa u mushahar 15 kun dollar ka qaata dawlada madaxweyne muuse biixi bil walba taas ayay koox Ku dhex cunta xafiisyadda haawanaya !!waxaana u sabab ah hogaanka xisbiga oo ka hurda oo ila haatan ka soo kicin dhulgariirkii guushii muuse biixi iyo kulmiye!!..xirsi 40 milyan bu ka samaystay muxu galiyay waddani hadi dhab ka tahay hogaaminta waddani? Basaasin Ku dhex jira ayay iska saari waayen ila hataan ma kuwaas ba dal qaban kara!?.


Xisbigi waddani Ku daa maanta maadaama haduu dayn galay oo wariyaasha lacagahooda lagu lahaado bal orda eega qaylada ka jirta xafiiska warfaafinta iyo sida laga cuno wariyasha xaquudooda oo juwano been been ah la qoro!,xisbigan dayn bu Ku jira iyo musuq maasuq waxaana Ku baboon in isbedel weyn Ku sameyo :

1 hogaanka xisbiga

2 xubno ila 2012 joogay gudida fulinta

3 gobolada

4 siyaasadda

5 laamaha dibada

Ugu danbayn xisbigan dib udhis balaadhan ayu u baahan yahay ,lkn haduu sidan Ku jiro xisbi noqon maayo , ha iska badalo maanta wajiga saaran NGO yar oo fadlan lacag ugu shubta oo ha u soo badalo xisbi mucaarid adag !!...

Qore mukhtar cilmi

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...