Faysalaw Lama Doorsho Abuur ( Abdi-Shotaly).

0
Tuesday October 29, 2019 - 14:12:17 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1680
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysalaw Lama Doorsho Abuur ( Abdi-Shotaly).

    Akhrista-yaal beryahan dambe, waxad la socotaan, Faysal Zaad oo Yurub kula wareegaaya,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhrista-yaal beryahan dambe, waxad la socotaan, Faysal Zaad oo Yurub kula wareegaaya,

wax uu ku sheegay " Ururka Midnimadda" isaga oo hor kacaaya qaar la nooc ah ama hoos ka sii xiga-ba, ilayn haddii kale kaynu ogayn may daba galeene. kuwaas oo mabda'oodu yahay "Calool baahaneey ba" taas oo micna-heedu yahay marka la soo ururiyo " Ruux baahani ceeb kama waabsado " waa sidda ninka magaciisu kor ku yaalo'e. waxan-se kaga ciil la'ahay, maanta cid aan aqoonini ifka ma dul joogto, gaal iyo islaam-ba, shaqadii-suna waxay tahay  " Caado la gooyaa cadho Allay leedahay" waa murti somaliyeed oo wax badan inoo sheegaysa, loogana faa'iidaysan karo siyaabo kala duwan, laguna dabaqo xaajoojinka aanad mar-naba deynayn, ee dhaqan-kaaga ah, kolka aad ku soo celiso-na, ee aad dariiqii caadiga ahaa soo martid, bay dadka mar-kaas ku arkayaa ay yidhaahaan, waa wixiisii xilka lahaa ee hebel iska daaya, ilayn abuur lama doorshee. Hadaba waxan maanta u soo qaatay qalinka in aan kashifo, waxa  Faysal inoogu tilmaamaayo midnimo,  faysal Zaad baa sheegi doona halkay taallo'e. Waayo ma jirto ilaa imikana ma hayno, mana imanayso ilaa iyo inta maamulka askartu taagan yahay, ee adiga bay sidaas kuugu dhashaaye, intaad aad cayn-kaas ku sii maali karto, gorofka cad-quudheedka laguugu rido la hoos roor, kolba wax kuugu soo dhacaba, 

 

"Bahal Caydhin ma daayo, nina caadi ma baajo" maah-maah-danina waxay iyana inoo biniixi-naysaa, in aanu qof-na wuxuu u dhashay bedeli karin, in kastuu is yidhahao is nasakh, oo sawir kale isu yeel, adoon meel dheer ka doonin, bal u fiirsadda saddexdan kala ah:

(a) Faysal Zaad,

(b) Raggii ma adigaa ka hadhay,

( c) Geenyo Shaaximan,

3-da ruuxee aan ku calaamadiyey a,b,c ee sare, waa waano dhalan baa ka adag, si kastoo loo dhoodhoobo, waxay ku sifooba-yaan, sarbeeebtii ahayd "isma doorsho dameer, oo danaani ma daayo, markuu doog ka dhergo". Wuxu isna yidhi Timma-cade ( Ihun), " Aduun reer ka halaabay, markuu aydda ku laayo, dhurwaa uuda ma daayo, abris reenka ma daayo, nin ugaadhsa-nayaana, kolay awr xun ma waayo" waxan uga socdaa, ninka gabraarta wuxu leeyahay, awr xun oo jeeniga hoos-tiisa uu ka gallo, si uu u khiyaameeyo ugaadha, oo aanay isaga u arkin, laakiin-se ay is leeyihiin waa awr ee dad meesha ma joogo, markuu ku soo dhawaado buu toogtaa oo dilaa, halkaas bay ku ganac go'daa, kuna dhimataa. ujeediyo haatan. Faysal Zaad waa awr-kaas, ka jeeniga ku gabana-yaana waa " Raggii ma adigaa ka hadhay" isagana dan baa ugu jirta, oo qanjidh ka mid ah hilibka ugaadha baa loo tuurayaa, inta uu ku shaqeeyo, ee mushahar looga dhigay waa waxaas.

 

Waxan ku soo xidhay qoraalkan, horaa loo yidhi " Waxaad waalif-toon wad kaa celin, ka waantoobay waa war loo noqon" waxa dhab ah biyo kama dhibcaan, Faysal Zaad isagu ka sugaaya in la doorto maaha, waanu og-yahay umana fadhiyo, ciddii soo saartay-na waynu garanaynaa, imikana dib u soo bixi maayo, halkii lagu yidhi " Uf" meel ka sii xun buu joogaa, oo kun jeer uu hoos uga sii dhacay, bal ha la weydiiyo haddii maskaxi in uun ku jirto, midnimadda uu la wareegayaa halka ay taallo? Sawtan loo kala baxay hayb-hayb, gobol-gobol, degmo-degmo, iyo beel-beel, saxaafaddii la xakameeyey ee koonfur u carartay, cadaaladdii lagu riday god-xaarka ( Waa beytal-mayga'e) ama Musqusha, qof-ba siduu u yaqaano, gobolo dhami meesha ka baxeen, askartii ay cidhibta ku dhuf-teen, ee u galeen Puntland, wasiiraddii Somaliya joogaan Buuhoodle, soo gabaga-bawday tolaayeey yaa Isaaqaay, jeelasha lagu buuxiyey beelo gaar ah, hadda kuwii sacabka u garaaci jirey, ee lahaa anakaa is xigna, uu dib ugu soo kaajay, Faysal Zaad malaha wuxu ku khalday "Ururka kala Taga", ilayn midnimo uu dad isla soo hor taagaa ma jirto'e, oo haabaa'an mansuuran bay noqotaye. haduu wax isku falaayo muu ahaadeen sacab hoorsi.

 

* N.B Waxaad Waalif-toon Wad Kaa Celin, Ka Waantoobay Waa War Loo Noqon!

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...