Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya Oo Ka Hadlay Cabashada Ciidamada Ee Musha'har La'aanta.
waxaanu sheegay inaanu raali ka noqon doonin in la dulmiyo ciidamada.
Wuxuu sheegay in Wasaarradu u dhaga-nugshahay islamarkaana tixgalin doonto cabashada ciidamada haddii ay soo maraan wadada saxda ee ahaan aheyn in ay ka soo baxaan agagga dagaalka.
"Aniga ka wasiir ahaan marnaba raali kama noqonayo in la dulmiyo shaqsi muwaadin Soomaaliyeed ama ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka, sidoo kale ciidanka waajibaadka iyo aadaabta marka laga hadlayo waa inay dhowraan nidaamka u degsan dowladda”
” Qofka tabasho wuu yeelan karaa tabashadiisa meesha uu joogo inuu ku soo bandhigo waaye, askariga wuxuu leeyahay Taliye qeyb, Taliye urur uu leeyahay, wuxuu leeyahay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, wixii tabasho ah waa in qoraal lagu soo gudbiyaa” ayuu sheegay Wasiirka.
Dhawaan ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa isaga soo baxay deegaanno dhowr ay oo ay kaga sugnaayeen qeybo ka mid gobollada dalka gaar ahaan gobolka Shabeellaha dhexe , iyaga oo ka cabanaya mishaar la’aan iyo hadallo ka soo yeeray madaxda ugu sareysa dalka.