Dawlada Itoobiya Oo Shaacisay Qorshe Ay U Dajisay Ayax Ku Habsaday Deegaanka Soomaalida

0
Tuesday October 29, 2019 - 12:09:34 in News by
  • Visits: 1709
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Itoobiya Oo Shaacisay Qorshe Ay U Dajisay Ayax Ku Habsaday Deegaanka Soomaalida

    Dawlada Itoobiya Oo Shaacisay Qorshe Ay U Dajisay Ayax Ku Habsaday Deegaanka Soomaalida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Itoobiya Oo Shaacisay Qorshe Ay U Dajisay Ayax Ku Habsaday Deegaanka Soomaalida

Wasaaradda beeraha ee dalka Itoobiya ayaa bilaawday howlgal lagu xakameynayo Ayaxa ku baahay qeybo kamid ah dalkaas kaas oo saameyn ku reebay beeraleyda, sida ay ku warrantay warbaahinta taabacsan dowladda ee Fana.



Ayaxan ayaa la rumeysan yahay inuu kasoo duulay Bariga Dhexe gaar ahaan Yemen, waxaa uu baab'iyay dhul beereed ku yaal Dowlad Deegaanka Soomaalida, gobolka Tegreega, gobolka Canfarta iyo Amxaarada.

.

Waxay dowladda Itoobiya u daabushay deegaanadaas dhowr baabuur oo ay saaran yihiin kooxaha wax buufiya iyo labo diyaaradood oo buufinaya Axaya la wareegay halkaas, sida uu sheegay wasiirka beeraha Itoobiya, Sani Redi.


Ayaxan ayaa ku faafay qeybo kamid ah dhulka Soomaalida, waxay shacabka walaac ka muujinayeen dhibaatooyinka uu ku reebay beerahooda iyo deegaanka.


Loading...
Loading...