Dawlada Soomaaliya Oo Gargaar Waydiisatay Qaramada Midoobay

0
Tuesday October 29, 2019 - 08:18:00 in News by
  • Visits: 1604
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Gargaar Waydiisatay Qaramada Midoobay

    Dawlada Soomaaliya Oo Gargaar Waydiisatay Qaramada Midoobay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Gargaar Waydiisatay Qaramada Midoobay


Hargeysa(HWN):-Dawladda Soomaaliya ayaa Qarmada Midoobay waxa ay ka dalbatay in ay ku caawiso diyarado loogu gurmado dadka ku go’doosan gudaha maagalada Baladweyneoo uu fatahaad ka wado Wabiga dhex mara ee Shabeelle.




Masuuliyiin ka tirsan guddiga gargaarka ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in ilaa hada QM ay hal diyaarad oo kaliya u dirtay magaalada Beledweyne, si ay uga qeyb qaadato gurmadka loo fidinayo dhamaan dadkii ku noolaa magaalada oo ay si isku mid ah u saamaysay fatahaadu.


Agaasimaha wasaaradda gargarka iyo mareenta masiibooyinka eexukuumada Soomaaliya, ahna xog haya guddiga loo magacaabay gurmadka fatahaadaha Sheikh Mukhtaar Xuseen ayaa sheegay in ay Qaramada Midobey ka dalbadeen in ay ku taageerto diyaaradaha qumaatiga u kaca oo uu sheegay in hadii ay helaan ay ka saacideyso sii loo ogaan lahaa looguna gurman lahaa dadka ku go’doonsan xaafadaha magaalada oo ay dhamaan biyaha wabigu ku fataheen.


Mukhtaar Xuseen ayaa sidoo kale sheegay in saacadaha nasoo aadan ay magaalada Bardaale ee gobolka Bay gaari doonaan diyaarado gurmad u wada dadka ku tabaalaysan daafaha iyo gudaha magaaladaas oo ay ku rogmadeen daadad ka dhashay roobab lixaad leh oo ka da’ay saacadihii lasoo dhaafay, kuwaas oo ay direyso dowladda Soomaaliya.


Dadka ku nool qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka ayaa haatan qaarkood ka carareen guryahoodii, halka ay jiraan kuwo kale oo baqdin ka qaba in ay ku fatahaan wabiyada mara qeybo ka mid ah dalka ee Jubba iyo Shabeelle iyo sidoo kale daadad ka dhasha roobka deyrta oo dalka ka curtay.

Loading...
Loading...