Madaxweynaha Puntland Oo ka Hadlay Gargaar Ay Gaadhsiinayaan Beledweyne

0
Tuesday October 29, 2019 - 08:15:37 in News by
  • Visits: 1347
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland Oo ka Hadlay Gargaar Ay Gaadhsiinayaan Beledweyne

    Madaxweynaha Puntland Oo ka Hadlay Gargaar Ay Gaadhsiinayaan Beledweyne

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Oo ka Hadlay Gargaar Ay Gaadhsiinayaan Beledweyne


Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya Magaca Goleyaasha kala duwan ee Dowladda iyo kan Shacabka Puntland wuxuu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday waxyeelada ka dhalatay Fatahaadda Webiga Shabeelle, wuxuuna illaahay uga baryay inuu Jannatul Fardowsa geeyo, eheladoodiina Samir iyo iimaan ka siiyo.




Puntland, Dowlad iyo Shacab ahaanba waxay la qeybsanaysaa dhibka iyo xanuunka ay wajahayaan walaalaha Soomaaliyeed ee waxyeelada lixaadk leh kasoo gaartay fatahaadda webiyada Shabeelle iyo Jubba, waxaana la garab taaganahay taageero iyo gurmad ay waajib tahay inaan bixinno.


Ugu danbeyntii Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu ugu baaqay cidkastoo gacan ka geysan karta in la sameeyo waxkasta oo suuragal ah si dadkaasi ay u helaan caawimaad bani’aadanimo oo deg deg ah. Waxaa sidoo kale lama huraan ah in laga tabaabusheysto sidii looga gaashaaman lahaa fatahaadaha soo noq-noqda oo geysta khasaaro nafeed iyo mid dhaqaale oo baaxad leh.

Loading...
Loading...