Qalin-Jebintu Ma Aha Aqoon-Dhammaad

0
Tuesday October 29, 2019 - 07:56:14 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qalin-Jebintu Ma Aha Aqoon-Dhammaad

    Ugu horrayn, fahanka guud ee ku aaddan maxay tahay jaamacad-dhigasho sida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu horrayn, fahanka guud ee ku aaddan maxay tahay jaamacad-dhigasho sida
ay u arkaan arday badan oo jaamacahaha dhigtaa sax ma aha. In jaamacad ama xarun aqooneed la dhigto oo muddo dheer lagu jiro macneheedu ma aha ka dib marka la dhammaysto in wax la yidhaa buug iyo akhris aan dib loo eegin. Waa gefka ugu weyn ee ay ku dhacaan arday badani qalin-jebinta ka dib, taasi oo ka dhigan aqoontii ay soo wadeen ee intaas oo simister ku foognaayeen mar qudha in ay faraha ka qaadaan. Buug-xoornimadaasi waqti kooban gudihii waxa ka dhasha in uu qofkii is masaxo oo wixii uu soo bartay baabah iyo faro madhan ka soo istaago.



Guud ahaan inta uu qofku waxdhigashada ku gudo jiro sawirka uu ka haysto maaddada uu baranayo waa mid aan aad u muuqan, taas na wax u sabab ah xaaladda ardaynimmo oo is ka wata culayskeeda, sida waajibaadka ardayga la ga rabo iyo imtixaanaadka aadka u tirada badan ee uu maro sannadaha jaamacadeed. Muuqaalka uu leeyahay takhasus waliba wax uu yimaaddaa dhammaysashada jaamacadda ka dib, gaar ahaan kulliyadaha aan ahayn practical-ka sida caafimaadka iyo IT-ga. Se muuqaalkaasi waxa hela oo qudha qof aan saydhin wixii uu bartay oo aan noqon kutub-xoor waxakhriskiisiina sii watay.


Haddaba si takhasuskii aad baratay fahankiisu u ballaadho oo guud ahaan aqoontaadu u noqoto mid macne kuu samaysa haddaynnin akhriskii aad wadday intii aad jaamacadda ku jirtay. Aad u gudo gal wixii aad soo baratay oo wax badan ka akhri. Waxbaadhis samee oo meelo badan wax ka akhri. Maanta si fudud baad u heli karta wixii macluumaad amma buug ah ee aad u baahato. Internetka ka soo dejiso oo moobilkaaga ama computerkaaga ku shubo. Marka aad fakaag u heshoba akhri goob kasta iyo goor kasta oo aad joogto. Haddii akhriskaagu yaraa, waa suure horraaanta in aad culays amma caajis dareentid kaas oo kaa hor istaagi sii wadidda akhriska, se in muddo ah marka aad joogtayso aakhirka waad la qabsan oo wax aad is arki adiga oo saacado badan wada oo aan ka xiiso dhacayn, ilaa aad ka gaadho xaalad aad u soo hamuumto waxakhriska oo aad u soo boholyawdid. Marka dambe heer baad u gudbi ammin kasta oo aad diiqad iyo walaac dareento uu akhrisku kuu noqdo isha aad farxadda iyo raynraynta ka hesho ee aad ku nafisto. Akhriskaagu ha noqdo mid xor ah oo aad iskaa u waddo. Ha ka geddisnaado kii aad u akhrisan jirtay imtixaanaadkii iyo laylisyadii jaamacadda ee aad ku dirqanayd. Noloshaada yawmiga ah wax-akhisashadu ha ka mid noqoto. Waa laga qurux badan yahay jaamici/jaamiciyad aan wax ba akhrisan. Si aad u dareento qofnimadaada oo u ogaato qiimaha aad leedahay akhris u kaasho. Ilaha kala duwan ee aqoonta laga daalacan karo  aad bay u tiro badan sida degallo wax lagu qoro, cilmi baadhisyo la sameeyay oo internetka lagu baahiyay amma warbaahinta kala geddisan laga sii daayay, inta ba isku day in aad ka faa’idaysato oo aad moogganaan. Sida aanad cuntada iyo cabbista uga maarmi karin marka uu akhriskaagu noqdo, midhihiisa is dhakhso ah baad u guran, waxana ugu horreeya oo aad ka dheefi doonta in aad noqoto qof soo jeeda oo aan moogganayn waxa hareerihiisa iyo adduunka kale ba ka dhacaya. Farxad iyo sacaado joogto ah baad dareemi doontaa. Haddii aad bilaa shaqo tahay si fudud ayaad u heli waayo qof dariiqii arsaaqadda haya ayaa tahay, sababta oo ah waxa aad la socotaa fursadaha shaqo ee kolba soo baxaya, wax aad taqaannaa oo raadinaysa jaanis walba oo shaqo lagu helo. Waa taas jaamicinnimadu.


Muxiyadiin Axmed Xasan 
Kuwait. 
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...