Handaraab Land Ma Taqaan?

0
Tuesday October 29, 2019 - 07:50:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1509
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Handaraab Land Ma Taqaan?

    Dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.

dhaqankoodu mid maaha .

Dhaliil la iskama qaato .

DHafoor taabasho weeye .

Dhibtana la iskuma eego.

daily way kaftamaan .

Hadana la isma dhegaysto.

Dhoohanaad tahay waalan

iyo adaa dhoocil ka liita

warkoodaa ku dhamaadee .

Kaalayoo bal dhegayso.

Dhaqane:Waar heedhe handaraab land  ma taqaan?

Dhaashane:Somaliland  dheh dee .Ma isagaa jiraba handaraab land.

Dhaqane:Waar Somaliland  lahaane sagaal kaagii awow la cadaabye Handaraab land  baan ku waydiinay.

Dhaashane:Waar bal aamusa ,adeer ma naqaane bal noo sheeg.

Dhaqane:Dee waa Somaliland.sowtan aad arkaysee bad iyo beriba la handaraabay  maaha.

Dhaashane:waar waxaa iga daayoo maxaa miskiin kan ina riyo raac ku haystaan?

Dhaqane:dee waxan ku haysanaa meesha ma riyo ayaa la raacayaa ?Dal dhan baa la rabaa cid dhex u noqotee.

Dhaashane:waar inaadeer xisbinimada iyo siyaasada barta oo dadkan aa ka hinaasaysaan iska daaya.

Dhaqane: maanagaa siyaasada barana mise idinka?Sowtaan idiin gabyeen idin idhi:

Siyaasadu amar iyo i yeel maaha

Irid xidhan garaac maaha

Ictiraaf adoon raadin

Daba orod hadana maaha

Umddana kadeed maaha

Eedee dad kale maaha

Ilihii dhaqaalahana

Wada iibi dee maaha

Aqalkaaga dumi maaha.

Waa qalinkii:Baxnaan xaaji aden diiriye

                  Sweden

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...