Duuliyeyaal Lagu Eedeeyay In Kaamero Qarsoon Ay Ku Xidheen Musqusha Diyaaradda

0
Tuesday October 29, 2019 - 07:26:28 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1926
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duuliyeyaal Lagu Eedeeyay In Kaamero Qarsoon Ay Ku Xidheen Musqusha Diyaaradda

    Mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda diyaaradaha ee Southwest Airlines ee dalka Mareykanka,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda diyaaradaha ee Southwest Airlines ee dalka Mareykanka,
ayaa dacwad u gudbisay maxkamad iyadoo laba duuliye ku eedeysay in ay toos u daawanayeen dadkii isticmaalayay suuliga diyaaradda oo kaamero qarsoon ay ugu xireen gudaha.



Renee Steinaker waxay sheegtay in duuliyeyaasha ay ku qabatay iyagoo muuqaalka daawanaya xilli ay ku guda jireen duullimaad isku xirayay Pittsburgh iyo Phoenix, sannadkii 2017-kii.


Kabtankii diyaaradda, Terry Graham, ayaa weydiistay in ay la fariisato caawiyihiisa, intii uu musqusha ku maqnaa, sida ay sheegtay gabadha dacwadda gudbisay.


Ms Steinaker waxay tilmaamtay in ay aragtay iPad toos looga daawanayay musqusha.


Duuliyayaasha iyo shirkadda Southwest Airlines waxay beeniyeen eedda ah in kaamero duubeysay rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradda ay ku xirnayd suuliga. Shirkadda waxay tiri dhacdadaas waxay ahayd "isku dey aan habooneyn oo kaftan ah".


Ms Steinaker waxay sheegtay in Mr Russell uu ku amray in aysan ka hadlin arrinta kaamerada, taas oo uu ku tilmaamay "si adag oo arrimaha amniga la xiriirta".


Gabadha ka shaqeyneysay diyaaradda ayaa warbixinteeda dhacdada la xiriirtay u gudbisay shirkadda, balse waxay tilmaamtay in kormeeraha uu u sheegay in qofna aysan kala hadlin wixii dhacay.


Duuliyayaasha shaqada lagama joojin, waxayna sii wadaan in ay duuliyaan diyaaradaha rayidka, sida ay gabadhaas xaqiijisay.


"Eedaha waa dhaqan laga caroodo," Ronald Goldman, qareenka matalaya Ms Steinaker, ayaa BBC u sheegay sidaa.


Sidey Shirkadda iyo duuliyayaasha uga falceliyeen?

War qoraal ah oo shirkadda ay u dirtay BBC ayey ku sheegtay in "kaamera aysan ku xirin musqulaha diyaaradda".


Markii hore, Shirkaddan Mareykanka laga leeyahay waxay diiday in ay ka jawaabto kiiska dacwada. Balse warbixin markii dambe ay soo saartay waxay ku sheegtay in baaritaan lagu sameeyay eedaha ayna ogaatay in kaamera aan weligeed lagu xirin suuliga.


"Southwest waxay si adag isaga difaaci doontaa dacwada maxkamadeed. Markii arrinta ay dhacday laba sano ka hor, waan baarnay, waxaana arrinta kala hadalnay shaqaalihii diyaaradda saarnaa ee ay quseysay," ayey tiri.


"Waxaan xaqiijin karnaa in baaritaankeena aan ku ogaanay in weligeed aan kaamera lagu xirin xamaamyada; dhacdada waxay ahayd iskuday aan habooneyn oo wax lagu qoslo ah, kaas oo shirkadda aysan u dulqaadaneyn."


BBC ayaa jawaab ka dalbatay qareenka difaacaya duuliyeyaasha.


Jawaabtooda qoraalka ahayd ee ay ka bixiyeen kiiska maxkamadda, Mr Russell iyo Mr Graham waxay qirteen in iPad uu saarna meesha laga wado diyaaradda, balse waxay beeniyeen dhamman eedaha kale, sida ay baahisay CNN.


Dacwadda ay gudbisay Ms Steinaker, waxay ku raadineysaa ugu yaraan $50,000 oo dollar, taas oo magdhow u ah dhibaato ay geysteen shirkadda Southwest Airlines iyo duuliyayaasha.


Mr Goldman wuxuu sheegay in gabadha uu qareenka u yahay "ay dhibaato weyn ka soo gaartay" arrinta la sheegay ayna kala kulantay "niyad jab aad u xun".

 

BBC

 

Loading...
Loading...