Dawlada Federaalka Ah Oo Quus Ka Taagan Fatahaadaha Baladweyne Iyo Gurmad Ay Caalamka Ka Dalbatay

0
Monday October 28, 2019 - 19:18:22 in News by
  • Visits: 1611
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Federaalka Ah Oo Quus Ka Taagan Fatahaadaha Baladweyne Iyo Gurmad Ay Caalamka Ka Dalbatay

    Dawlada Federaalka Ah Oo Quus Ka Taagan Fatahaadaha Baladweyne Iyo Gurmad Ay Caalamka Ka Dalbatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Federaalka Ah Oo Quus Ka Taagan Fatahaadaha Baladweyne Iyo Gurmad Ay Caalamka Ka Dalbatay


Muqdisho(HWN):-Guddida gurmadka fatahaadaha ee dawlada federaalka ah ee soomaaliya u magacawday daadadka ku soo rogmaday Baladweyne ayaa ka warbixiyey xaalado halis ah oo ay wajahayaan dadweynaha ku go’doonsan deegaanada gobolka Hiiraan.




Guddoomiyaha guddiga oo ah Wasiirka gargaarka xukuumadda Soomaaliya Xamza Saciid Xamza, oo u warramayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in roobabkii xalay da’ay uu xaaladda ugu sii daray, kaas oo sababay in uu xirmo garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne.


Guddiga waxa ay ka dalbadeen shacabka Soomaaliyeed in ay ka wada qeybqaataan sidii loo caawin lahaa dadka ku dhibaataysan magaaladaas, iyagoo si gaar ah baaq ugu diray ganacsatada ku nool Galmudug, Puntland iyo guud ahaan gobollada waqooyi ee dalka in gurmad uu raashin ugu horreeyo la soo gaaraan dadka reer Beledweyne.


Xubnaha guddiga waxa ay sheegeen in gurmadka uu ku billowday si dar-dar leh, isla markaana ay dowladdu gurmadkii ugu horreeyay shalay gaarsiisay magaalada Beledweyne, sidoo kalana maanta hey’adaha gargaarka ee ka howl gala dalka oo ay ugu horeeyaan kuwa Qaramada Midoobey ay waydiisteen gacan siin.


Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in gargaar Raashin ah oo imaanaya magaalada Gaalkacyo uu ku soo wajahan yahay magaalada Beledweyne, sidoo kale diyaarado badan oo ah kuwa qumaatiga u kaca ayuu sheegay guddoomiyuhu in ay maanta ku biireen gurmadka ka socda gudaha iyo daafaha magaalada.


Guddoomiye Xamza waxa uu dalbaday in cidii wax ku darsan karta gurmadka socda ay u marsiin karto oo kaliya sanduuqa guddiga, cidii baalmartana waxa uu sheegay in ay la xisaabtami doonaan.


Ugu dambeyntii Maxkamad guur guurta oo ay ugu tala galeen in ay kula xisaabtami doonaan dadka ku kacaya musuqa iyo xad gudubka inta uu socdo gurmadka ayuu sheegay in ay samaynayaan Wasiir Xamze.

Loading...
Loading...